CiyaaroXulka England Oo Caawa Ku qasban in Ay Ka Fogaadaan Rikoodh 41...

Xulka England Oo Caawa Ku qasban in Ay Ka Fogaadaan Rikoodh 41 Sano Ka Hor Ay Dhigeen Kulanka Germany Ee Caawa.

Xulka England ayaa doonaya in ay ka fogaadaan in ay bar-barayso rikooodh xun oo ay dhigeen 41 sano ka hor marka ay caawa la ciyaari doonaan Germany kulan ka tirsan Nations League.

England ayaa caawa u ciyaari doona sharaftooda marka ay la ciyaari doonaan Germany maadama ay mar hore ka hadheen heerka 1-aad ee tartanka Nations League kadib guuldaradii ka soo gaadhay Italy jimcihii.

Goolka kaliya ee uu xulka England dhaliyay xilli ciyaareedkan Nations league ayaa ahaa mid dhashay daqiiqadii 88-aad kulankii ay bar-baraha la galeen Germany kulankii lugta hore ee tartanka.

Tan ilaa kulankaas xulka England ayaa ku fashilmay in ay gool dhaliyaan 3 kulan oo ay la ciyaareen Italy iyo Hungary tartanka Nations League.

Hadii ay caawa kulanka Germany ku fashilmaan in ay gool dhaliyaan waxa ay bar-barayn doonaan rikoodh xun oo ay dhigeen sanadkii 1981-kii.

Waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay ee uu xulka England ku fashilmo in uu gool dhaliya 4 kulan tan ilaa 1981 markaas oo ayna gool ka dhalin xulalka Romania, Brazil, Wales iyo Scotland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme