CiyaaroXiddigaha Man United U Ciyaari Doona Kulanka Man City Oo Lasii Ogaaday

Xiddigaha Man United U Ciyaari Doona Kulanka Man City Oo Lasii Ogaaday

Halyeeyadii Manchester United khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Owen Hargreaves iyo Paul Scholes ayaa isku raacay xiddigaha ay kooxdoodu kala hor tegi doono Manchester City bisha dambe, taas oo kala saari doona labada kooxood ee isku magaalada ah ee ku dagaallamaya midkooda ka talinaya magaalada.

Manchester United oo dib loo dhigay kulankii ay toddobaadka soo socda la dheeli lahayd Leeds United, ayaa waxay safri doontaa Etihad Stadium marka ay taariikhdu tahay October 2.

Erik ten  Hag oo hore uga soo adkaaday Liverpool iyo Arsenal ayay u tahay tijaabadii ugu weynayd ee uu marayo, waxaanay Scholes iyo Hargreaves sii sheegeen in mar horeba uu tababaraha reer Netherlands xalliyey qaybo badan oo ka mid ah dhibaatooyinkii United ragaadiyey xilli ciyaareedyadii tegay.

Owen Hargreaves oo hadalka ku horreeyey ayaa sheegay, in ay u muuqato shaxda uu Erik ten Hag kala hor tegi doono Manchester City, waxaanu yidhi: “David de Gea waxa uu kusoo bilaaban doonaa goolka, afarta dambena waxay noqon doonaan Dalot, Varane, Martinez iyo Malacia. Scott McTominay mar horeba booskiisa wuu xoraystay.

“Waxay ila tahay in Casemiro ay suurtogal tahay in uu ciyaaaro kulanka City, laakiin Christian Eriksen iyo Bruno Fernandez ayaa khadka dhexe ka ciyari doona. Antony, Jado Sancho, Marcus Rashford ama Ronaldo ayaa iyaguna weerarka ka ciyaari doona.”

Paul Scholes ayaa isaguna ku dooday in Erik ten Hag uu xulan doono ciyaartoydii uu ku dheelay kulamadii ugu dambeeyey horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme