CiyaaroXiddigaha Man United Ee Codkooda Cadhada Leh Laga Maqlayay Qolka Labiska Man...

Xiddigaha Man United Ee Codkooda Cadhada Leh Laga Maqlayay Qolka Labiska Man City Kulankii Manchester Derby Oo La Ogaaday

Man United ayaa toddobaadkan guuldarro ay tahay inay iska ilawdo kala soo kulantay dhigeeda ay magaalo-wadaaga yihiin ee Manchester City oo 6-3 kusoo dardartay kulan ka dhacay gegida Etihad Stadium.

Man United ayaa guulo soo gaadhay afartii kulan horyaal ee ka horreeyay kulankaas balse Axadii ayuu wakhtigii nasashadu ugu dhacay 4-0 lagu hoggaaminayay.

Haatan sida uu sheegayo wargeyska The Sun, wakhtigii nasashada ayaa qolka labiska Man City laga maqli karayay cadhada iyo qaylada qaar kamida xiddigaha Manchester.

Warbixinta ayaa sheegaysa in labada ciyaaryahan ee Man United ee hadalkooda la maqlayay ay ahaayeen Bruno Fernandes oo kabtanka kulankaas ahaa iyo daafaca dhexe ee Lisandro Martinez oo labaduba si weyn ugu canaanayay xiddigahooda aaminaad la’aan.

City ayaa qaybta hore aad uga fiicnayd Man United iyadoo Erling Haaland iyo Phil Foden labaduba min laba gool dhaliyeen qaybtaas.

Isbedelkii wakhtigii nasashada ee Man United ayaa la odhan karaa wuu shaqeeyay maadaama oo ay saddex gool dhaliyeen qaybtaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme