Friday, December 8, 2023
More
    HomeCiyaaraha MaantaXiddiga Premier League Ee Ay Arsenal U Waalanayso, City Oo Ka Walaacsan...

    Xiddiga Premier League Ee Ay Arsenal U Waalanayso, City Oo Ka Walaacsan Damaca Barcelona & Real Madrid Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

    Arsenal ayaa wali doonaysa in ay la saxeexato xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Douglas Luiz oo ah 25 jir u ciyaara Aston Villa oo hore u diiday dhawr dalab oo ay Gunners ka gudbisay. (90 min)

    Chelsea iyo Manchester City ayaa ku tartamaya difaaca kooxda Inter Milan iyo xulka Talyaaniga ee Alessandro Bastoni oo 24 jir ah. (Mirror)

    Everton waxa ay ka walaacsan tahay wararka sheegaya in weeraryahanka reer England ee Dominic Calvert-Lewin oo 26 jir ah uu tegayo kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ettifaq. (Football Insider)

    Manchester United waxay albaabadeeda u furtay kooxaha doonaya in bisha January ay la saxeexdaan xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo 23 jir ah, kaas oo la sheegay in 90% ay uga dhamaatay Old Trafford. (Fabrizio Romano)

    Nicolas Gonzalez oo ah 25 jir u ciyaara Fiorentina oo garabka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Argentina, waxa doonaya dersin kooxo horyaalka Premier League ah, kaddib markii uu xilli-ciyaareedkan si fiican kula bilowday Fiorentina. (Gazzetta dello Sport)
    Manchester City waxay liiska ciyaartoydeeda la ambobixinayo ku daraysaa Kalvin Phillips oo 27 jir ah, kaas oo Pep Guardiola uu u ogolaaday inuu ka tago Etihad Stadium bisha January. (Fabrizio Romano)

    Bayern Munich, Juventus iyo Liverpool ayaa ku jira kooxaha doonaya inay la saxeexdaan Phillips. (Sky Sports)

    Sevilla waxay si dhow ula socotaa xaaladda xiddiga khadka dhexe reer Tunisa ee Hannibal Mejbri oo Manchester United ay u aragto mustaqbalkeeda. (Caught offside)

    Manchester City waxay kalsooni buuxda ku qabtaa in uu heshiis cusub saxeexi doono Julian Alvarez oo ay doonayaan kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona. (Football Insider)

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Must Read