CiyaaroXiddiga Mykhaylo Mudryk Oo Xagaagii Hore Lala Xidhiidhinayay Arsenal Ayaa Afka Furtay.

Xiddiga Mykhaylo Mudryk Oo Xagaagii Hore Lala Xidhiidhinayay Arsenal Ayaa Afka Furtay.

Weeraryahanka Shakhtar Donetsk Mykhaylo Mudryk ayaa sheegay in uuna diidi karin ku biirista Arsenal suuqa January hadii ay Gunners dalab kale gudbiso saxiixiisa.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa bartilmaameed u ahaa Gunners dhamaadkii suuqii kala iibsiga xagaagan laakiin heshiiska ayaa dhici waayay sababo la xidhiidha qiimaha ay kooxdiisa shakhtar ku doonaysay

Mudryk ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo gool iyo caawin ku lug lahaa kulankii ay kooxdiisu 4/1 uga badisay RB Leipzig kulankii champions League.

Wararka ayaa sheegaya in ay Shakhtar haatan diyaar u tahay in ay xiddiga da’yarka ah iibiso suuqa January hadii ay hesho dalab lacageed oo 50 milyan ah.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay CBS Sports, Mudrryk ayaa shaaca ka qaaday sida uu ugu dhawaaday inuu ka tago kooxda reer Ukraine suuqii xagaagan

Suuqa January waan arki doonaa, waxa jiray kooxo badan oo doonayay saxiixayga laakiin arintaas ma dhicin”ayuu yidhi.

Markii la waydiiyay in uu jecelyahay in uu ka ciyaaro premier League ayuu yidhi”Haa, xiddig walba wuu ku riyoodaa ka ciyaarista premier League”.

sidoo kale waxaa la weydiyay ma jeclaan laheyd inaad ku biirto Arsenal. wuxuna ku  jawaabay ”Haa dabcan, way adagtahay in aad diido koox Arsenal oo kale ah”

Arsenal waa koox aad u fiican, sidoo kale waxey heeysataa tababare aad u fiican – marka dhankayga, ma dhihi karo maya Arsenal!”

Wuxuu sii raaciyay: “Laakiin wareejintu kuma xirna oo kaliya go’aankeyga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme