CiyaaroXiddiga Joao Felix Ayaa Jawaab Dagdag ah Ka Bixiyay. Xiisihii Man United.

Xiddiga Joao Felix Ayaa Jawaab Dagdag ah Ka Bixiyay. Xiisihii Man United.

Weeraryahanka Atletico Madrid Joao Felix ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka warqabin wax dalab ah oo uga yimid Man United inti uu furnaa suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Red Devils ayaa lasheegayaa in ay xiiso dheer uqabto xidiga reer Portugal iyada oo la sheegay in ay dalab 130 milyan ah ka gudbisay xiddiga intii uu furnaa suuqii xagaaga.

“Ma jiraan wax aniga ii yimid, waa arin madaxeynaha u taala”Felix ayaa u sheegay Marca.

22 jirkaan ayaa caawiye ka noqday seddex gool shan kulan oo uu u saftay Atletico xilli ciyaareedkan halka uu guud ahaan kooxda u ciyaaray 116 kulan tan ilaa markii uu yimid isaga oo dhaliyay 29 gol 18 kalena caawiyay.

Felix ayaa weli heysta afar sano oo kale oo uu kula sii joogi doono kooxda Atletico Madrid waxana ay koxda reer Spain u aragtaa xiddiga mid muhiim u ah.

Dhanka kale, horaantii xagaagan, Felix wuxuu sheegay inuu “ku faraxsan yahay” kooxda uuna rajeynayo inuu la qaato xilli ciyaareed fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme