Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Inta Ka Dhiman Sanadka Dhaawac Ku Maqnaan Doona.

Ben White ayaa dhaawac halis ah ku soo kordhiyay Arsenal xilli uu qaliin jilibka ah maray.

Daafaca Arsenal, Ben White, ayaa ku biiriyay liiska dhaawacyada sii kordhaya ee kooxda Gunners kadib markii lagu sameeyay qaliin lagu saxayo xanuunka jilibka oo uu bilooyin badan la dhibtoonayay.

Daafacan, oo muhiim u ahaa Arsenal, ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado ilaa sanadka cusub, taas oo dhabarjab ku noqon karta dadaalka ay kooxda Mikel Arteta ugu jirto tartanka horyaalka Premier League.

White, oo si joogto ah ugu soo bilowday xilli ciyaareedkan, ayaa u muuqday inuu ka soo kabsanayay xanuunka, waxaana uu ciyaaray labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Arsenal la ciyaartay Chelsea iyo Inter Milan.

Si kastaba ha ahaatee, dhaawacan cusub ayaa sababi kara inuu seego dhowr kulan oo muhiim ah oo ay ku jiraan ciyaaro adag kuwaas oo muhiim u ah kooxda. Qaliinka lagu sameeyay ayaa looga gol lahaa in xal rasmi ah loogu helo dhibaatooyinkiisa jilibka, balse wuxuu u muuqdaa mid u baahan in lagu hayo bannaanka xilli dheer si uu si buuxda ugu bogsado.

Qaar ka mid ah taageerayaasha iyo falanqeeyeyaasha kubadda cagta ayaa walaac ka muujiyay maqnaanshaha White, iyagoo tixgelinaya in Arsenal ay haatan 9 dhibcood ka dambeyso kooxda hoggaaminaysa Premier League. Dhibcahaas waxey u muuqataa inay ka sii fogeyn karaan rajo kasta oo ay ugu guuleysan karaan horyaalka.

Mikel Arteta ayaa ka hadlay xaaladda dhaawacyada kooxdiisa ka dib ciyaartii Chelsea, isagoo sheegay inuu rajeynayo in qaar ka mid ah ciyaartoydiisa dhaawaca ah ay soo kabtaan dhawaan. Hase yeeshee, xaaladda White ayaa u muuqata mid uga sii dari karta xaaladda kooxda.Sida laga soo xigtay ilo gudaha ah, White ayaa la fahamsan yahay inuu maqnaan doono siddeed usbuuc inkasta oo uu doonayay inuu la ciyaaro kooxdiisa isagoo ku tiirsan qaadashada xanuun baabi’iyayaal.Arsenal, ayaa dhaawacyo kale kaga maqan xiddigaha muhiimka ah ee Bukayo Saka iyo Declan Rice oo iyagana dhawaan dhaawacyo kala duwan uga baxay waajibaadkooda qaranka.Maqnaanshaha White ayaa ka dhigaysa xaaladda Gunners mid aan la saadaalin karin, maadaama Arteta iyo kooxdiisa ku jiraan tartan adag oo ay isku dayayaan inay hoos u dhigaan farqiga dhibcaha ee u dhaxeeya iyaga iyo hoggaamiyayaasha horyaalka. Tani waxay ku adkaan doontaa kooxda Arsenal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *