CiyaaroXavi Oo Frenkie De Jong Ka Ciyaarsiin Kara Boos Cusub Kulanka Celta...

Xavi Oo Frenkie De Jong Ka Ciyaarsiin Kara Boos Cusub Kulanka Celta Vigo.

Shirkiisa ka hor kulanka Celta Vigo, tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa sheegay in uu daafaca dhexe ka ciyaarsiin doono xiddiga Frenkie De Jong xilli kooxdiisu ku dhibaatoonayso dhaawacyo dhinaca daafaca ah.

Xiddiga reer Holland ayaa dib ugu soo laabtay kooxda kadib markii uu dhaawac kaga maqnaa labadii kulan ee ugu dambeeyay sabab la xidhiidha dhaawac ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddiga khadka dhexe ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo daafaca dhexe si uu u buuxiyo booska xiddigaha daafaca ah ee ka maqan Barcelona kulanka Celta Vigo.

Frenkie waxa uu ciyaari karaa daafac dhexe, mar hore ayaan isku daynay, laakiin sidoo kale waxa jira dookho kale, waxa jira xiddigo boosas badan ka ciyaari kara kooxda”.

Mid ka mid ah dookhyada uu Xavi sheegayo ayaa ah in uu ku bilaabo xiddiga 19 jirka ah ee Chad Riad kaas oo ciyaari kara kulankiisii ugu horeeyay ee Barcelona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme