CiyaaroXavi Hernandez oo soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa Barcelona ee kulanaka Celta...

Xavi Hernandez oo soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa Barcelona ee kulanaka Celta Vigo

Xavi Hernandez ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa Barcelona ee kulanaka Celta Vigo ee Axadda, kaas oo ay u dagaallami doonaan in ay jidka guusha kusoo laabtaan kaddib khasaarihii 1-0 ahaa ee ay toddobaadkii hore kala soo kulmeen Inter Milan oo ay Champiosn League ku kulmeen.

Barcelona ayaa war fiican ka heshay ciyaartoydii dhaawaca kaga maqnaa, waxaanay dib u heleen kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo kasoo kabtay dhaawac kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa ee UEFA Nations League ee bishii hore ee September.

Jules Kounde iyo ROnald Araujo oo hore loo sheegay in ay toddobaadyo maqnaan doonaan ayaa wali la dhibaatoonaya sidii ay usoo kaban lahaayeen, waxaana liiska maqnaeyaasha ku wehelinaya Andreas Christensen iyo Franck Kessie, hase yeeshee qiimaynta dhakhaatiirta ayaa sheegaysa in laacibka khadka  dhexe ee Kessie uu taam u noqon karo kulanka Champions League ee Arbacada ee Inter Milan.

Inkasta oo uu De  Jong soo noqday, haddana waxa wali maqan saaxiibkiisa ay xulka Netherlands kusoo wada dhaawacmeen ee Memphis Depay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme