CiyaaroXavi ayaa muujiyay jaceylka uu u qabo Lewandowski ka dib markii uu...

Xavi ayaa muujiyay jaceylka uu u qabo Lewandowski ka dib markii uu dhaliyay seddexley Xallay.

Lewandowski ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisii ​​wacnaa ee uu ku bilaabay Camp Nou, isagoo dhaliyay seddexley kulankii furitaanka heerka group-yada Champions League ee kooxdiisa ay la ciyaareen Viktoria Plzen xallay.

Lewandowski ayaan wax dhibaato ah kala kulmin inuu shabaqa soo taabto tan iyo markii uu xagaagan kusoo biiray Barcelona, ​​isagoo dhaliyay shan gool oo La Liga ah afar kulan oo uu saftay.

Haa runtii waa cajiib isaga si fiican ayuuna u akhriyaa ciyaarta, waana jeclahay, saxiixiisa wuxuu ahaa mid cajiib ah,” Xavi ayaa u sheegay suxufiyiinta. .

Xavi oo hadalkiisa sii wato ayaa yidhi, waxan rajaynayaa in goolashiisa ay sii socdaan maadaama ay jiraan kulamo adag oo Yurub ah oo ay kooxdu ku soo wajahan tahay. 

dhanka kale Lewandowski waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee seddexley ka dhaliya Champions League seddex kooxood oo kala duwan: Borussia Dortmund, Bayern Munich iyo Barca.

Blaugrana ayaa ku soo laabanaysa ciyaaraha horyaalka Sabtida marka ay u safreyso Cadiz.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme