CiyaaroXavi Anaga Ayaa Ka Fiicnayn Bayern & Wixii Sababay Guuldarradii Allianz Arena...

Xavi Anaga Ayaa Ka Fiicnayn Bayern & Wixii Sababay Guuldarradii Allianz Arena Ayuu Sharaxay,

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa ka hadlay kala duwanaanshihii xalay u dhaxeeyay kooxdiisa iyo Bayern Munich oo guuldarro kale dhabarka usoo saartay.

Barca ayaa u socotay aargoosi maadaama sanadihii ugu dambeeyay kooxda ree Germany guuldarrooyin waliba bahdil ah la daba taagnayd balse markale ayaa afka ciida loosoo daray kaddib goolal ay Bavaria ka heshay Lucas Hernandez iyo Leroy Sane.

Xavi ayaa aaminsan in kooxdiisu ahayd mida fiican balse dhibku ka dhacay inaysan ka faa’idaysan fursadahoogii gaar ahaan qaybtii hore ee kulanka.

Hernandez oo arrimahaas ka hadlayay ayaa yidhi “Marka aanad fursadahaaga ka faa’idaysan kulan Champions League ah ugu dambayn waa lagugu ciqaabayaa, waanu ka fiicnayn Bayern balse fursadahoodii ayay ka faa’idaysteen, waa intaas kala duwanaanshuhu”

“Qaabkii aanu goolka koornaha ah u raacanay aad ayay u xumayd, goolka labaadna waxay ahayd inaanu ciyaartoyga kubadda la ordayay qalad ku galno. Iyagu kulanka way joojiyaan inaguna ma joojino, taasi waa waxa tartan macnahiisu yahay”.

“Waxaad odhan kartaa Bayern waa koox horeba loo dhisay, anaga hadda ayuu dhisme socdaa, waa kaliya bilawga safarkayaga”.

Bayern ayaa afar daqiiqo oo bilawgii qaybtii dambe ah laba gool oo deg-deg ah la gaadhay shabaqa goolhaye Marc Andre Ter Stegen iyagoo sidaas ciyaarta kaga hakiyay carcartii badnayd ee kooxda martida ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme