CiyaaroXataa Lugaha Ayuu Qalbi Ku Leeyahay!!” – Xavi Oo Xiddigii Ugu Fiicnaa...

Xataa Lugaha Ayuu Qalbi Ku Leeyahay!!” – Xavi Oo Xiddigii Ugu Fiicnaa Kulankii Sevilla Amaan Ugu Qubeeyay

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa amaanta ka haysan waayay ciyaaryahanka kooxdiisa ee kusoo guuleystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa kulankii ay xalay kasoo adkaadeen Sevilla.

Barca ayaa 3-0 kaga soo talaabsatay Barca kaddib goolal ay ka kala heshay labadeeda saxeex ee cusub ee Raphinha iyo Robert Lewandowski iyo waliba daafaca dhexe ee Eric Garci.

Marka laga yimaado goolasha ay dhaliyeen ciyaaryahanadaasi haddana xiddiga garoonka ayaa ahaa da’yarka khadka dhexe ee Pablo Gavi oo uu Xavi-na u aqoonsaday sidoo kalena ciyaarta dhammaadkeedii loogu coddeeyay

Xavi ayaa sheegay inaysan isaga layaab ku ahayn oo uu maalin kasta tababarka ku arko Gavi oo si adag u shaqaynaya isaga oo ku sifeeyay mid xataa lugaha qalbi ku leh.

“Aniga ima yaab geliso, maalinkasta isaga oo tababaranaya ayaan arkaa. Waxa sababay hawl-karnimo, nidaamsanaan iyo qalbi” ayuu Marca u sheegay Xavi.

“Isagu wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu wanaagsan kulanka sababtoo ah ad-adaygiisa, dagaalkiisa, baaskiisa, cadaadintiisa sarre – Isagu qalbi ayuu lugaha ku leeyahay”.

Barca ayaa haatan kulankeeda xiga bilaabanaysa Champions League iyaga oo qaabili doona kooxda Victoria Plzen kahor inta aysan Bayern Munich iyo Inter Milan la ciyaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme