CiyaaroXaqiiqooyinkii Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee La Ciyaaray.

Xaqiiqooyinkii Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee La Ciyaaray.

Waxa xalay la soo afjaray kulamada 1-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh.

Natiijooyin lama filaan ah ayaa dhacay kulamada sidii kulamadii hore iyada oo ay kooxo waaweyn kufeen kulamadii xalay la ciyaaray.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro ceeb ah kala kulantay kooxda Napoli xilli kooxda Klopp lagu xasuuqday garoonka Diego Maradona.

Dhinaca kale kooxaha Bayern iyo Barcelona ayaa gaadhay guulo ay u qalmeen kulamadii ay ciyaareen wareega Group-yada.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay.

1.Liverpool ayaa laga dhaliyay goolka 1-aad 5 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan, waana kooxda ugu badan Premier League iyaga oo la mid ah Southampton.

2.Kadib 150 kulan oo uuna wax rikoodhe ah galin tartamada oo dhan, Virgil Van Dijk ayaa 2 rikoodh galay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee uu u ciyaaray Reds.

3.Giovanni Simeone ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee champions League, kadib 25 sano iyo 361 maalin kadib markii uu Aabihiis dhaliyay.

4.Leroy Sano ayaa dhaliyay 10 gool oo champions League ah intii uu joogay Bayern kaliya Roy Makaay (10 Kulan ) & Robert Lewandowski (16 kulan) ayaa kaga yaraa in ay gaadhaan 10 gool kadib markii uu 19 kulan ku dhaliyay goolashaas.

5.Robert Lewandowski ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda champions League u dhaliya saddexley 3 kooxood oo kala duwan Borussia Dortmund, Bayern iyo Barcelona.

  1. Kulankii Kooxaha Atletico Madrid iyo Porto ayaa ah kulankii 2-aad ee taariikhda champions League 3 gool la dhaliyo daqiiqadii 90-aad iyo waxa ka dambeeya kadib markii ay isla labada kooxood sidaas sameeyeen December 2021.

7.Liverpool ayaa la kulantay guuldaradii ugu weynayd ee ay koox premier League ah kala kulanto kulanka ugu horeeya ee tartanka champions League tan ilaa markii ay Arsenal guuldaro 3/0 ah kala kulantay Inter 2003/2004.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme