CiyaaroWuu Iga Yaabiyey” – Ficilka Uu Sameeyey Casemiro Ee Layaabka Ku Riday...

Wuu Iga Yaabiyey” – Ficilka Uu Sameeyey Casemiro Ee Layaabka Ku Riday Paul Scholes

Halyeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa sheegay in uu aad ula yaabay xalay xiddiga Brazil ee Casemiro oo sameeyey ficillo ciyaareed oo aanu ka filayn, kaddib markii uu beddel kusoo galay kulankii ay Red Devils 2-0 ku garaacday Sheriff Tiraspol oo ay ku booqatay Moldova.

Manchester United ayaa u tagtay Sheriff, waxaanay kaga soo adkaatay laba gool oo midkood rikoodhe ahaa oo ay kala dhaliyeen Jadon Sancho iyo Cristiano Ronaldo.

Waqtigii nasashada ayuu Erik ten Hag nasiyey Scott McTominay, waxaana ciyaartoyda kusoo laabanaysay garoonka soo raacay, waxaana 45kii daqiiqadood ee uu garoonka ku jiray layaab uu ku riday Paul Scholes oo uu tusay awoodo ciyaareed iyo hibooyin aanu ku ogeyn.

Scholes oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in uu layaab ku riday Casemiro sababtoo ah awooddiisa baas-bixinta, sida uu kubbadaha hore ugu wado iyo midda saddexaad oo ah in uu kubadda kasoo burburinayo xagga dambe oo uu waardiyeynayo difaacyahannada.

“Casemiro wuxuu igaga yaabiyey sida uu baaskiisu hore ugu socdo iyo halka uu dhigayo kubbadaha. Waxaan u malaynayey in uu yahay guuleyste kubad burburiye ah. Kroos iyo Modric ayay ahaayeen kuwii sannadkii hore inta badan muuqday, laakiin isaguna wuxuu leeyahay baas cajiib ah.”

Inkasta oo Scholes uu la yaabay awoodda baas-bixinta Casemiro, haddana waxa uu sheegay in ay waqti ku qaadan doonto in uu si buuxda u saldhigo kooxda tababare Erik ten Hag oo uu boos joogto ah ka helo, maadaama booska uu isagu ka dheelo uu bandhig fiican ka samaynayo Scott McTominay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme