CiyaaroWayne Rooney Oo Man United U Sheegay Qaabka Ay U Joojin Karaan...

Wayne Rooney Oo Man United U Sheegay Qaabka Ay U Joojin Karaan Haaland

Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday sida Manchester United ay uga joojin karto Erling Haaland inuu gool dhaliyo marka kooxda Erik ten Hag ay u safreyso Manchester City Maanta.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa la ciyaari doonta kooxdaa ay jaarka yihiin kulankii ugu horeeyay ee Manchester Derby iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guushoodii 5-aad oo xidhiidh ah.

United ayaa ka soo laabatay laba guuldaro oo xidhiidh ah oo ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican

Laakiin kooxda Pep Guardiola ayaa ah koox awood badan iyaga oo aan ilaa haatan wax guuldaro ah la kulmin 7 kulan oo ay ciyaareen waxana ay 5 dhibcood ka horeeyaan Man United.

Haaland ayaa dhaliyay 14 gool 10-kii kulan ee ugu horeeyay City tartamada oo dhan kadib markii uu xagaagii kaga soo biiray Borussia Dortmund.

Laakiin Halyeeyga Man United ee Rooney ayaa sheegay in ay kooxdiisu joojin karto Haaland isla markaas uuna wax gool ah ka dhalin karin.

“Dabcan Man City waxa ay Haaland ku soo dartay kooxdeeda waxana ay haatan kubad badan soo dhex-dhigaan goolka”ayuu Rooney u sheegay The Times.

“Waxa aan hubaa in uu Ten Hag u sheegayo kooxdiisa in ay Man City u diidaan in ay kubado badan soo karoosaan, waxana aan hubaa in ay Man United sidaas ku joojin karaan Haaland”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme