Waxaan Ku Jirnaa Dhibaato Weyn” Guardiola Oo Afka Furtay Kadib Guuldarradii Tottenham.

Pep Guardiola ayaa sheegay in Manchester City ay ku jirto dhibaato weyn kadib markii ay dhaawacyo dheeraad ah soo gaadheen ka dib guuldaradii 2-1 ee Tottenham, taasoo ka dhigtay in kooxda ay haystaan kaliya 13 ciyaartoy oo diyaar ah.

Kooxda ayaa horey u weyday ciyaartoy muhiim ah sida Kyle Walker, Rodri, Oscar Bobb, Jeremy Doku, Kevin De Bruyne, iyo Jack Grealish. Intaa waxaa dheer, Manuel Akanji ayaa laga saaray ciyaarta ka hor billowgii ciyaarta, halka Savinho lagu qaaday ambalaas intii lagu jiray qaybta labaad.

Guardiola ayaa si taxadar leh uga hadlay guuldarradii Tottenham kadib goolkii uu dhaliyay Timo Werner – oo ahaa goolkiisii ugu horreeyay 18 kulan oo uu u saftay Tottenham– taasoo keentay in City ay la kulanto guuldaradii ugu horreysay xilli ciyaareedkan.Guardiola ayaa qiray in dhibaatooyinka dhaawacyada ay sii kordhayaan ka hor safarkooda Sabtida ee Bournemouth. Waxey kulan kale oo Champions League ah la ciyaari doonaan Sporting Lisbon 5 November.

“Waxaan heysanaa keliya 13 ciyaartoy oo (diyaar ah) sidaas darteed waxaan ku jirnaa dhibaato weyn,” ayuu yiri Guardiola.“Ciyaartoyda ciyaaraya, badankood waxay dhammeystaan ciyaarta iyagoo leh dhibaatooyin, waxaan arki doonaa sida ay u soo kabtaan.

“Waxaan u maleynayaa xaaladdan oo kale inaan la kulannay muddo sagaal sano laga joogo.waxaan isku dayi doonnaa inaan la tacaalno ciyaartooydeenna si ay dhaqso usoo kabtaan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *