CiyaaroWaxaa la Ogaaday: Sababtii Ay Man United Isaga Diiday Saxiixa Graham Potter...

Waxaa la Ogaaday: Sababtii Ay Man United Isaga Diiday Saxiixa Graham Potter Ka Hor Intii Ayna U Dhaqaaqin Saxiixa Erik Ten Hag.

Manchester United ayaa diiday fursad ay Tababaraha cusub ee Chelsea haatan Graham Potter ugu magacaabi lahayd macalinkooda cusub sabab la xiriirta khibrad la’aantiisa Champions League,

United ayaa baadi goob ugu jirtay tababare cusub ka dib markii Ole Gunnar Solskjaer la ceyriyay bishii November ee la soo dhaafay, Ralf Rangnick ayaa si ku meel gaar ah u qabtay xilka ka hor inta aan Erik ten Hag loo magacaabin tababaraha cusub ee kooxda bishii April.

Tababaraha cusub ee Chelsea Potter ayaa ku jiray liiska musharixiinta u sharaxan in uu qabto Old Trafford, laakiin waa loo diiday sababtoo ah waaya aragnimada uu u leeyahay Yurub,

Si kasta ha ahaatee Potter ayaa khibrad fiican u leh premier league marka loo bar-bar dhigo Erik Ten Hag oo aan wax khibrad ah u lahayn tartanka premier League.

United ayaa ku fashilantay in ay u soo baxdo champions League waxana ay ka ciyaarayaan tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Graham Potter ayaa shalay galab loo magacaabay tababaraha cusub ee Chelsea

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme