El Clasico oo lagu yaqaano ciyaar xamaasad iyo dagaal badan, ayaa waxa loo magacaabay in uu qabto Jose Maria Sanchez Martinez oo ahaa garsoorihii hayay finalkii Copa del Rey ee xilliciyaareedkii tegay.
Garsooraha loo doortay ciyaartan ayaa waxa uu hayay kulankii Las Palmas iyo Rayo Valecano, halka sabtida uu qabanayo Valencia iyo Cadiz, halkaas oo ay labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona kasii qiimayn doonaan qaabka uu ugu diyaarsan yahay ciyaartooda.
José María Sánchez Martínez oo lagu tilmaamo garsooraha ugu wanaagsan Spain waqtigan, ayaa waxa uu laba jeer oo hore soo qabtay kulamo ay kooxahani ciyaareen xilli-ciyaareedkan, waxaana uu ahaa shaqsigii garoonka gudihiisa ka hagayey kulamadii Real Madrid vs Almeria iyo Barcelona vs Real Betis.