CiyaaroWaxa Aan La Yaabahanahay Sababta Uu Messi Arday Ugu Noqon La’yahay Mbappe...

Waxa Aan La Yaabahanahay Sababta Uu Messi Arday Ugu Noqon La’yahay Mbappe Ee Uu Cashar Uga Baran La’yahay” – Jamaahiirta PSG Oo Dood Waalli Ah Soo Bandhigay

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta PSG ayaa si aad ah ula dhacay goolkii cajiibka ahaa ee Kylian Mbappe uu xalay u dhaliyey xulka qaranka Faransiiska kulankii ay 2-0 ku garaaceen Austria, waxaanay is-weydiiyeen sababta uu xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ardayga ugu noqon la’yahay Mbappe ee uu wax uga baran la’yahay.

Kylian Mbappe ayaa qaybtii hore bandhig fiican sameeyey laakiin aan wax gool ah dhalinin, iyadoo daqiiqaddii 26aad uu Aurelien Tchouameni siiyey fursad fiican. Sagaal daqiiqadood kaddib ayuu goolhayaha Austria ee Patrick Pentz uu ka diiday fursad kale oo fiicnayd.

Daqiiqaddii 55aad ee bilowga qaybta labaad ayuu ugu dambayntii shabaqa soo taabtay, isaga oo kubbad uu meel fog kasoo qaatay usoo gooyey dhawr ciyaartoy, isla markaana lasoo galay xerada ganaaxa oo cidhiidhi ahayd ka hor intii aanu goolka ku tooganin, sidaasna waxa uu hoggaanka ugu dhiibay xulkiisa, ka  hor intii aanu Olivier Grioud raacinin goolka labaad

Goolka uu dhaliyey Kylian Mbappe ayaa waxa uu hadal-hayn badan ka abuuray baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka oo ay taageereyaasha  kubadda cagtu kaga falceliyeen, waxaanay jamaahiirtu cabbireen sida uu qof walba u arkayay goolkaas.

Mid ka mid ah taageereyaasha kubadda cagta ayaa yidhi: “Mbappe waxa uu dabiici ahaanba kubadda u turjumaa si togan. Waxa uu rumaysan yahay kartidiisa, waxaanu ku kalsoon yahay in waxa uu isku dayo uu ka midho dhalinayo. Alla maxaa maskax ku jirta. Haddii uu tegi lahaa Madrid, waxaynu sannado yar gudahood ka hadli lahayn abaal-marinta Ballon d’Or.”

Taageere kale ayaa isaguna soo qoray sidan: “Haddii aan si daacad ah u hadlo, ma garanayo sabab aynu uga doodno isaga [Mbappe] iyo Haaland. Ma jiro weerryahan la mid ah Haaland, laakiin Mbappe na waa ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida.”

Taageere saddexaad ayaa isaguna ku dooday sidan: “Anigu waxa aan wali la yaabbanahay, sababta uu Lionel Messi cashar uga badan la’yahay Mbappe.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme