Wargeysyada Iyo Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyda Maanta oo Arbaco Ah

Waxaan ahay halyeey Man Utd ah – waan ogahay cidda sababtay in Erik ten Hag la ceyriyo’Iyadoo Erik ten Hag ugu dambayn laga diray Old Trafford, halyey hore oo Manchester United ah ayaa aaminsan in koox ciyaartoy ah ay ugu wacnaayeen in Ten hag shaqada laga ceyriyo.Qandaraaska Erik ten Hag ee Manchester United ayaa ugu dambayn la kansalay sababo la xiriira awood la’aanta kooxdiisa ee dhanka gool dhalinta, sida uu sheegay Lee Sharpe.Ten hag ayaa la kulmay dhibaatooyin badan intii uu ku sugnaa Red devils. Waxa uu ka tagay rikoor xun kadib markii kooxda ay usii degtay 10-ka ugu hooseeya horyaalka.Waxaana loo diiwaan geliyay Red devils xilli ciyaareedkii ugu xumaa abid.

Xagaagii United waxey ku qarash gareeysay £200 milyan ciyaartoy cusub. Qayb ka mid ah kharashkaas weyn waxaa lagu bixiyay £36.5m weeraryahanka qaab ciyaareedka xun ku jira, Joshua Zirkzee, halka intii lagu guda jiray xilligii tababaraha reer Netherlands ay Antony iyo Mason Mount soo gaareen kooxda.Sharpe – oo seddex jeer kula guuleystay United horyaalka Premier League– ayaa rumeysan in saxiixyada noocaas ah ee sanadihii ugu dambeeyay ay si weyn u fashileen hanka tababare Ten hag, isla markaana gool dhalin la’aantooda ugu dambeyn keentay in tababaraha shaqada laga eryo.

“Waxaan aaminsanahay in dedaal darrada xiddigahan ay ugu dambeyntii galaafatay shaqada Erik Ten Hag,” Sharpe ayaa u sheegay BestBettingSites.com.“Waxaan aragnay United oo kubadda heysaneysa 20-25 daqiiqo dhowr jeer xilli ciyaareedkan, muddadaasna waxay u muuqdeen kuwo awood u leh inay tartan geliyaan koox kasta oo ay la ciyaarayaan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *