Friday, December 8, 2023
More
    HomeCiyaaraha MaantaWARBIXIN: Wali Ma Is Waydiisay Sababta Uu Xulka Qaranka Talyaanigu U Xidho...

    WARBIXIN: Wali Ma Is Waydiisay Sababta Uu Xulka Qaranka Talyaanigu U Xidho Maaliyada Buluuga Ah?

    Italy ayaa wajihi doonta England kulan ka tirsan isreeb reebka Euro 2024 maalinta Salaasada waxana ay u badantahay in ay xidhaan maaliyada ay caanka ku yihiin ee Buluuga ah Laakiin waa maxay sababta Talyaanigu u xidho midabkaas gaarka ah?

    Azzurri ayaa Wembley kula ciyaari doonta Three Lions, iyadoo England ay og tahay in guul ay gaaraan ay xaqiijin doonto u soo bixida Euro 2024.

    Kooxda Luciano Spalletti ayaa kulanka soo galaysa 3 dhibcood oo ay ka dambeeyaan iyaga oo ku jira kaalinta 2-aad iyaga oo guuldaro kala kulmay xulka England kulan ka dhacay Naples maalintii ugu horaysay ee is reeb-reebka.

    Waxa ay xidhan doonaan maaliyada buluuga ah kulanka iyaga oo midabkaas istcimaalay tan tan iyo kulamadoodii hore ee caalamiga ah horaantii 1910-meeyadii.

    Maaliyadoodii ugu horaysay ee ay xidheen kulan caalami ah ayaa ahaa mid dhamaan ah midabka cadaanka ah waxana ay xidheen kulan ay la ciyaareen France 1910 sababta oo ah xidhiidhka kubada cagta Talyaaniga ayaan go’aamin waxa uu noqon doono midabkooda rasmiga ah.

    Sababta dhabta ah ee ka dambeysa xirashada midabka buluuga ah, sida laga soo xigtay ilo badan, waa in la sharfo Aqalka Talyaaniga ee Savoy, qoyska Boqortooyada ee waddanka, kaas oo ahaa meeshii markii Talyaanigu midoobeen 1861.

    Mustaqbalka qoyska boqortooyada ayaa ahaa mawduuca afti dastuuri ah kadib dagaalkii labaad ee aduunka, waxaana ku guulaystay Jamhuuriyadii Talyaaniga 1946kii.

    Boqolkiiba 54.27 dadku waxay u codeeyeen jamhuuriyad, halka boqolkiiba 45.73 ay u codeeyeen in boqortooyada lagu sii hayo. Koonfurta Talyaanigu waxay si weyn u taageersanayd boqortooyada, iyadoo waqooyiga Talyaanigu ay u badan tahay jamhuuriyadda.

    Wali maaliyada buluuga ah ayaa sii joogtay inkasta oo uuna meel-na kaga jirin calanka dalka halka sidoo kale dalku uuna ahayn boqortooyo.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Must Read