CiyaaroWARBIXIN: 4 Arin Oo Man United U Baahantahay Si Ay U Garaacdo...

WARBIXIN: 4 Arin Oo Man United U Baahantahay Si Ay U Garaacdo Man City Kulanka Maanta.

Manchester United ayaa raadin doonta aargoosi marka ay u safreyso Etihad kulan ka tirsan premier League todobaadkii 9-aad.

Man City ayaa garaacday Man United labadii kulan ee premier League xilli ciyaareedkii hore waxana ay Red Devils doonaysaa in ay natiijo fiican kala boxdo kulanka caawa.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa haatanba garaacday kooxaha Arsenal iyo Liverpool xilli ciyaareedkan waxana ay doonaysa in ay jiidho kooxda difaacanaysa premier League.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa waxa ay Man United u baahantahay si ay u garaacdo Man City kulanka maanta:

Ku Bilaabista Rashford:

Marcus Rashford ayaa si dar-dar leh ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo door muhiim ah ka qaatay guulaha ay Red Devils gaadhay ilaa haatan.

Hadii ay United u baahantahay in ay garaacdo Man City waxa ay u baahantahay orodka badan ee Man City iyo ka faa’iidaysiga xiddiga reer England.

Dhamaystirka am Ka Faa’iidaysiga fursadaha ay helaan:

Ka hor tagista Man City mar walba waa mid aad u adag, Kooxda Man City ayaa la filayaa in ay haystaan kubada taas oo la macno ah in ayna Man United kooxda Man City kula dagaalami karin kubad haysashada.

Laakiin sidii Newcastle & Aston Villa oo bar-baro ku qabtay United waxa ay heli doonaan fursado fiican sidaas darteed marka ay helaan waa in ay si fiican uga faa’iidaystaan.

In Ay Haaland Ka Joojiyaan In Kubad Loo Keeno:

Erling Haaland ayaa haatan ah xiddig aan la joojin karin isaga oo dhaliyay 11 gool 7 kulan oo uu ciyaaray sidaas darteed joojinta xiddigaha kubadaha u keena Haaland ee Kevin De Bruyne, Bernardo Silva, Joao Cancelo, Phil Foden & Riyad Mahrez waa in ay noqoto muhiimada Man United si ay u joojiyaan Haaland.

Ka Faa’iidaysiga Kubadaha karooska ah:

Man United ayaa ku faanaysa qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican kubadaha karooska sida Bruno Fernandes, Christian Eriksen & Rashford sidaas darteed waa in ay ku dadaalaan in ay kubado karoos ah hor dhigaan goolka Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme