CiyaaroWarbixin 10: Xiddig Ee Ugu Ugu Mushaharka Badan Kubada Cagta

Warbixin 10: Xiddig Ee Ugu Ugu Mushaharka Badan Kubada Cagta

Sida warbixin cusub dhawaan lagu ogaaday, heshiiska Erling Haaland ee Manchester City ayaa ah mid ay ku jiraan gunnooyin ka dhigaya mid kamida xiddigaha ugu mushaharka badan dunida kubadda cagta.

Sida uu sheegayo wargeyska Daily Mail oo ah midka warkaas banaanka keenay, Haaland ayaa 865,000 pound oo Malyan gaadhaysa marka euro loo bedelo toddobaadkii uga xaadira City maadaama gunnooyinka ku jira yihiin kuwo shuruudahooda si fudud uu ku gaadhayo.

Haatan wargeyska Mirror ayaa soo bandhigay tobbanka xiddig ee ugu mushaharka badan dunida waxaana booska koowaad xorraystay oo aan xataa loo dhawayn Kylian Mbappe oo heshiis uu toddobaadkii 1.6 Milyan pound ugu xaadirayo dhawaan u saxeexay Paris.

Waxa soo raaca oo booska labaad jooga saaxiibkiisa kooxda ee Lionel Messi halka uu booska saddexaad soo galayo Haaland oo ah midka ugu sarreeya Premier League.

Afarta sarre ayay saddex kamida ku leedahay PSG oo mushahar waali ah bixisaa waxaana afraad ku jira Neymar halka uu shanta sarre dhammaystirayo Cristiano Ronaldo oo Man United ahi.

Halkaan Hoose ka eeg Liiska Oo Dhammaystiran

10. Sadio Mane (Bayern Munich) – £350,000 Toddobaadkii

9. Mohamed Salah (Liverpool) – £350,000

8. David De Gea (Man Utd) – £375,000

7. Eden Hazard (Real Madrid) – £380,000

6. Kevin De Bruyne (Man City) – £400,000

5. Cristiano Ronaldo (Man Utd) – £515,000

4. Neymar (PSG) – £606,000

3. Erling Haaland (Manchester City) – £865,000

2. Lionel Messi (PSG) – £960,000

1. Kylian Mbappe (PSG) – £1,600,000

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme