CiyaaroWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Talaado ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Talaado ah 04-da October

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaraha.com

Weeraryahanka Portugal Cristiano Ronaldo, oo 37 jir ah, ayaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago Manchester United bisha Janaayo. Telegraph – subscription required

Marka laga soo tago wadahadalo ay RB Leipzig kala yeelatay saxiixa weeraryahanka France Christopher Nkunku, oo 24 jir ah, Chelsea ayaa sidoo kale kala hadlaysa saxiixa daafaca dhexe ee Croatia Josko Gvardiol, 20, oo ka tirsan kooxda Jarmalka. 90 Min

Blues ayaa sidoo kale qiimeyn doonta xaalada goolhayaha kooxda bilaha soo socda, iyadoo ciyaaryahanka reer Senegal Edouard Mendy, oo 30 jir ah, uusan weli saxiixin qandaraas cusub. Telegraph – subscription required

Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa u sheegay madaxda kooxda in aysan wax heshiis ah u soo bandhigin ciyaaryahanna ilaa uu ka soo saaro kuwa u qalma. Telegraph – subscription required

Daafaca reer France William Saliba ayaa xaqiijiyay in wakiiladiisa ay kala hadleen Arsenal wax ku saabsan 21 jirkaan inuu saxiixo qandaraas cusub. 90 min

Maamulaha Barcelona Xavi ayaa yiri “ma ahan waqtigii” laga hadli lahaa weeraryahanka Argentina Lionel Messi, oo 35 jir ah, ku soo laabashada kooxda iyo inuu “nabad ku daayo” si uu ugu raaxeysto waqtigiisa Paris St-Germain. ESPN

Hogaamiyayaasha Wolves kuma degdegaan inay raadiyaan bedelka maareeye Bruno Lage oo shaqada laga ceyriyay Axadii. Sun

Rafael Benitez, tababarihii hore ee Liverpool , ayaa ah ikhtiyaar uu ku bedeli karo Colin Cooper ee Nottingham Forest haddii kooxda ka dhisan Premier League ay go’aansato inay isbedel sameyso. Mail

Tababarihii hore ee Watford Rob Edwards iyo tababaraha ku meel gaadhka ah ee Bournemouth Gary O’Neil ayaa ku jira qaabkii ay u bedeli lahaayeen Chris Wilder oo shaqada laga ceyriyay ee Middlesbrough. Football Insider 

Bournemouth, Crystal Palace iyo Leicester City ayaa isha ku haya 23 jirka Sheffield United iyo daafaca bidix ee Wales Rhys Norrington-Davies. Footbal Insider

Newcastle ayaa heshiis laba sano ah u kordhisay 30 jirka weerarka uga ciyaara xulka qaranka England ee Callum Wilson. 90 Min

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme