CiyaaroWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Axad ah...

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Axad ah 25-ka Septembe

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maantay  oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaraha.com

Manchester United ayaa kicin doonta 12 bilood oo dookh ah si ay u kordhiso heshiiska weeraryahanka England Marcus Rashford, kaasoo dhacaya xagaaga soo socda, haddii ay ku heshiin waayaan qandaraas cusub 24 jirkaan. Daily Star on Sunday

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay qaadato dookh ay ku kordhineyso qandaraaska goolhayaha Spain David de Gea ilaa 2024, iyadoo 31 jirkaan qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaaga soo aadan. Sunday Telegraph

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jude Bellingham ayaa laga yaabaa inuu kaga tago Borussia Dortmund 85 milyan ginni xagaaga soo aadan ilaa inta laga bixinayo lacagta oo dhan afka hore, iyadoo Manchester City ay ku qanacsan tahay inay Liverpool, Chelsea iyo Manchester United ku garaaci doonto saxiixa 19 jirkaan.Sun

Newcastle United ayaa ku guuldareysatay inay la soo wareegto kubad sameeyaha Leicester City James Maddison xagaagii laakiin waxay qorsheynayaan inay dalab cusub u gudbiyaan 25 jirka reer England bisha Janaayo, markaasoo 18 bilood ay uga harsan tahay qandaraaskiisa Foxes. Football Insider

Goolhayaha Aston Villa iyo Argentina Emi Martinez oo 30 jir ah ayay Atletico Madrid u aqoonsatay badalka Jan Oblak hadii ay waayaan 29 jirka reer Slovenia. Mirror

Tababarihii hore ee Tottenham iyo Paris St-Germain Mauricio Pochettino ayaa isha ku haya suurtogalnimada inuu maamulo Aston Villa. Steven Gerrard ayaa hadda maamula kooxda Midlands. Football Insider

Beth Mead Haweenka Super League Weeraryahanka Arsenal Beth Mead ayaa sheegay in rikoorka taageerayaasha WSL ay wali yihiin bilowga Arsenal ayaa mar kale daawaday ciyaaryahanka khadka dhexe ee Rennes Lovro Majeer markii 24-sano jirkaan uu u ciyaaray Croatia ciyaar ay 2-1 kaga badiyeen Denmark khamiisti. Sunday Mirror

Chelsea ayaa diyaar u ah inay 30 milyan ginni ku iibiso 17 sanno jirka weerarka uga ciyaara Fulham Luke Harris, kaasoo Wales looga yeeray kulamadii Belgium iyo Poland intii lagu jiray ciyaaraha caalamiga ah. Sunday Mirror

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton iyo Brazil Allan, oo 31 jir ah, ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda Imaaraadka Carabta ee Al-Wahda. (Insider Kubadda Cagta) Daaficii hore ee Tottenham iyo England Danny Rose, oo 32 jir ah, ayaa wadahadalo kula jira kooxda Wigan. Sun

Barcelona ayaa dhamaadka xiliciyaareed kaan wadahadalo la yeelan doonta xiddiga heerka caalami ee dalka Holland Frenkie de Jong kaas oo ku saabsan lacagta uu 25 jirkan ku leeyahay iyo mushaharka uu qaato.Que T’hi Jugues, via Sunday Mirror

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain Sergio Busquets, oo qandaraaskiisa Barcelona uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Major League Soccer ee Mareykanka, laakiin 34 jirkaan ayaa sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa. 90 min

Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay heshiiska u kordhiso daaficii hore ee Arsenal Hector Bellerin wixii ka dambeeya xagaaga laakiin 27 jirka reer Spain ayaa laga yaabaa in uu doonayo in uu ku laabto Real Betis oo uu amaah ku joogay xilli ciyaareedkii hore.  Fichajes.net – in Spanish

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme