Xog Ku Saabsan Geerida Ciyaaryahanka Marooko, Abdelaziz Barrada.

Ciyaaraha kubadda cagta ee Marooko waxay ku jiraan murugo kadib markii la xaqiijiyay geerida ciyaaryahanka hore, Abdelaziz Barrada, oo ku geeriyooday da’da 35 sano. Sida laga soo xigtay Febrizio Romano. Ciyaaryahanka Marookaanka Barrada ayaa macasalaameeyay dunida Khamiistii shalay.

Barrada, oo ahaa khad dhexe oo cajiiba waaya ciyaareedkissi, wuxu ka tagay laba qoys oo murugoonaya maanta, qoyska uu ka dhashay iyo kan kubadda cagta.

Intii uu xirfadiisa ciyaareed socotay, Barrada wuxuu u ciyaaray kooxo caan ah sida Getafe, Marseille, PSG, iyo Al-Nasr, isagoo xirfadiisa ciyaareedna dhammeeyey sanadkii 2021. Wuxuu sidoo kale ka mid noqday xulka qaranka Marooko, isagoo ciyaaray 28 kulan oo caalami ah, waxaana uu dhaliyay afar gool.

Abdelaziz Barrada ayaa loo xasuusan doonaa sida mid ka mid ah ciyaartoydii ugu caansanaa Marooko, waxaana uu ka tagay dhaxal weyn oo ciyaaraha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *