Gordon ayaa saxiixay heshiis kordhin oo muddo dheer ah oo uu la galay Newcastle.

Ciyaaryahanka ka ciyaara garabka kooxda Newcastle United, oo lala xiriirinayey inuu ka dhaqaaqo garoonka St. James’ Park una guuro Liverpool xilli ciyaareedkii hore, ayaa go’aansaday inuu mustaqbalkiisa ku xiro kooxda.

Tan iyo markii uu kaga soo biiray Everton bishii Janaayo 2023, wuxuu sameeyey 74 ciyaarood oo uu ku soo galay Newcastle tartamada oo dhan, waxaana loo magacaabay Ciyaaryahanka Sanadka ee kooxda kadib markii uu si weyn u qanciyey xilli ciyaareedkii hore.

Gordon wuxuu dhaliyey 15 gool wuxuuna sameeyey 11 caawimood tartamada oo dhan. Tan iyo markii uu ciyaartiisa bilowday, kaliya Kieran Trippier (119) iyo Bruno Guimaraes (92) ayaa fursado badan u abuuray Magpies loona yaqaano Newcastle marka loo eego 23-jirkan.

Xilli ciyaareedkan, wuxuu laba gool dhaliyey Premier League, iyadoo kaliya ka goolal badan yahay ciyaaryahanka Harvey Barnes (saddex gool).

“Waxaan u maleynayaa in kooxda ay meel wanaagsan joogto. Tan iyo markii ay heshay mulkiilayaaal cusub, wax walba sare ayay u kaceen. Aniga iyo macallinka waxaan ku haboonahay qaab ciyciyaareedka kooxdan. Waxaan jeclahay halkan,” ayuu u sheegay bogga kooxda.

“Waan ku faraxsanahay halkan, waxaan jeclahay inaan halkan ku noolaado, kooxdaana aad bay iigu habboon tahay – waxaan halkan u joogaa inaan koob ku guuleysto. Qisada gaaban waa, waxaan u baahanahay inaan koob ku guuleysano.

“Koob ku guuleysiga halkan waxay noqon doontaa mid aan la rumeysan karin maxaa yeelay taageerayaashu waxay sugayeen muddo dheer. Inaan ka mid noqdo ciyaartoyda ugu dambeyntii guulaysanaysa waa yool weyn oo aan leeyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *