Carlo Ancelotti wuxuu aaminsan yahay in Vinicius Junior uu ku guuleysan doono Ballon d’Or

Carlo Ancelotti wuxuu aaminsan yahay in Vinicius Junior uu ku guuleysan doono Ballon d’Or xilli ciyaareedkan kaddib markii uu dhaliyay saddexley (hat-trick) ciyaartii Real Madrid 5-2 kaga adkaatay Borussia Dortmund Talaadadii aynu soo dhaafnay.

Iyadoo ay maanka ku hayso kooxda Dortmund guuldaradii ku dhacday finalkii Champions League ee bisha Juun, ayaa ay kooxdu u muuqatay inay raadinayeen in ay ku ciqaabaan gegida ciyaaraha ee Bernabeu markii Donyell Malen iyo Jamie Gittens ay ku hogaaminayeen 2-0 illaa iyo nasashada ciyaarta.

Si kastaba ha ahaatee, madaxii Antonio Rudiger ee yimid daqiiqadii 60 aad ee ciyaarta ayaa bilaabay isbedel, Vinicius-ayaa isna markiisa ciyaarta baraajo ka dhigay kahor inta uusan Lucas Vazques goosha sadexaad dhalinin. Vinicius ayaa bilaabay in uu muujiyo xirfadiisa dhammaadka ciyaarta, isagoo laba jeer dhaliyay si uu u gaaro hat-trick-kiisii saddexaad ee Los Blancos.

Vinicius ayaa la filayaa inuu ku guuleysto Ballon d’Or sababo la xiriira bandhigyada uu sameeyay xilli ciyaareedkii hore ee Champions League iyo LaLiga, iyadoo Ancelotti uu sheegay in ciyaaryahanka 24-jirka ah uu noqon doono guulaystaha.

“Waa wax aan caadi ahayn in la arko ciyaaryahan sameeya qaybta labaad sida Vinicius,” ayuu Ancelotti yidhi.

“Mana aha sababta saddexda gool, laakiin sababta dabeecadiisa, waa mid aan caadi ahayn.

“Vinicius waa inuu ku guuleysto (Ballon d’Or), maaha sababta uu maanta u sameeyay, laakiin sababta uu sanadkii hore u sameeyay.

“Saddexdan gool ayaa horeyba u noqon doona kuwa xisaabta ku jira Ballon d’Or-ka sanadka dambe, taasi waa hubanti. Wuxuu yahay ciyaaryahan la ooyaa sababtoo ah wuu ka dhigi karaa farqi.” ayuu haddalkiisii ku soo gunaanadey.

Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, Vinicius wuxuu leeyahay 50 gool (32 gool, 18 caawin) dhammaaan 53-ka ciyaarood ee uu u ciyaarey kooxda Real Madrid.

Laakiin natiijada ayaa u muuqatey mid aan shaki ku jirin kaddib markii uu bandhig liita soo bandhigay qeybta hore, iyadoo ciyaartoyda tobabare Ancelotti kaliya ay sameeyeen 9 isku day isla markaana hal fursad oo kamida ay la eegteen goolhayaha taas oo aaney ka dhalin wax gool ah.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib nasashada, Los Blancos ayaa qabsatay hogaaminta ciyaarta. Waxayna diiwaan geliyeen guul ballaaran taas oo yimaadeen goolal 5 ah halka Dortmund ay ka lahayd 2 gool qeybta labaad ciyaarta.

Guusha waxay Madrid siisay fursad ay ku guuleystaan ciyaar Champions League ah oo ay ku hogaaminayeen laba gool qeybta hore markii ugu horreysay, iyadoo Ancelotti uu muujiyay in aysan jirin wax walwal goobta dhar beddelashada xilligii nasashada ciyaarta.

“Waxaanu dareemayney deggenaansho (intii nasashada). Waxaan beddelnay nidaamka waxaana ku soo laabannay si ka firfircoon sidii hore,” ayuu Ancelotti yiri.

“Ka hadlida dhalinta saddexda gool waxay u muuqan kartaa mid waaliah, sidaas darteed waxaan ka hadalnay muhiimadaha yaryar sida tusaale ahaan in si fiican kubada la iskugu baaso, taas oo guul dhammeys tiran lagu gaadhi karo.

Waxaan u baahnayn in aan qabsanno dhaqdhaqaaqa ciyaarta, ka dibna xejino hogaaminta ciyaarta si aan u guuleysano.

“Waan liidaney qeybta hore ee ciyaarta, ma aanan ahayn qaar firfircoon balse qeybta labaad waxaan sameynay si ka wanaagsan oo tayo badan sidii hore taas oo aanu cadaadis badana saarnay.

“Waxay ahayd qeybta labaad ee ugu wanaagsan xilli ciyaareedkan.

“Waan baran doonnaa waxa aan ka sameynay qeybta labaad. Ujeedadu waa in aan bilowno ciyaarta oo aanan sugin in ay laba gool na dhaafaan.

“Ma haysto fikir ah inaan ciyaari karno 90 daqiiqo iyadoo la adeegsanayo firfircoonida qeybta labaad laakiin waxaan noqon karnaa kuwo dheellitiran. ayuu haddalkiisii kusoo koobey macalinka kooxda Real Madrid Ancelotti.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *