CiyaaroWar Dadag ah, Dalka Ruushka oo laga saaray taranka Euro 2024

War Dadag ah, Dalka Ruushka oo laga saaray taranka Euro 2024

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ayaa go’aansaday in laga saaro Ruushka Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee Euro 2024.

Go’aanka ayaa yimid kaddib markii kooxaha Ruushka laga mamnuucay dhammaan tartamada UEFA intii lagu jiray xilli ciyaareedkan 2022/23 kaddib colaadda Ukraine awgeed.

Xiriirka kubadda cagta Ruushka ayaa bayaan rasmi ah uu soo saaray wuxuu ku sheegay: “Xulkeena qaranka kama qeyb gali doono isku aadka isreebreebka Euro 2024, kaasoo 9-ka October lagu qaban doono magaalada Frankfurt.”

“Waxaa sabab u ah go’aankii xiriirka kubadda cagta Yurub ee bishii February uu ku joojiyay ka qayb galka xulalka qaranka Russia iyo kooxaha ka qayb galka tartamada lagu qabto dallada UEFA ilaa amar dambe.”

Xiriirka Ruushka ayaa tilmaamay in uu racfaan ka qaatay go’aankii lagu mamnuucay kooxaha Ruushka, balse uu waayay racfaankii ugu horeeyay ee maxkamada ciyaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme