Harry Kane ayaa dhaliil u jeediyay ciyaartoyda England ee ka haray xulka qaranka.Harry Kane ayaa ku eedeeyay saaxiibadiisa xulka England inay ka faa’iidaysanayaan maqnaanshaha tababare muddo dheer joogaya, iyagoo iska diiday in ay ku biiraan xulka kulanka caawa ee ay la ciyaarayaan Greece.Kabtanka England ayaa weerar ku qaaday ciyaartoyda kadib markii siddeed ciyaartoy ka huleeleen kooxdii ku meel gaarka ahayd ee uu tababaraha Lee Carsley soo xushay maalintii Isniinta.
Thomas Tuchel oo noqon doona badelka Gareth Southgate bisha Janaayo, ayuu Kane sheegay in ay dhici lahayd in ciyaartoyda aysan ka hari lahayn kulamada is-aragga laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Greece iyo Ireland haddii tababaraha Jarmalka uu xulka maamuli lahaa.
Kane, oo u saftay England 101 ciyaarood, ayaa sheegay in xulka England uu mudnaanta leeyahay, iyadoo kooxda Carsley ay hadda ka mid yihiin toddoba ciyaartoy oo aan weligood u safan xulka, afar ka mid ahna ay u ciyaareen England wax ka badan 20 ciyaarood.Weeraryahanka ayaa u sheegay ITV: “Waa wax laga xumaado usbuucan, dabcan. Waxaan u maleynayaa in ay tahay xilli adag oo xilli ciyaareedka ah, haa, laga yaabee in laga faa’iidaystay taas yar. Si daacad ah uma jecli runtii. Waxaan u maleynayaa, sida aan u sheegay halkaas, in England ay ka horeyso wax walba, xaalad kasta oo kooxeed.”Phil Foden, Jack Grealish, Declan Rice, Bukayo Saka, Cole Palmer, Trent Alexander-Arnold, Aaron Ramsdale iyo Levi Colwill ayaa dhammaantood ku jiray xulkii Carsley Khamiistii, balse laga saaray Isniinta.inkastoo qaar ay dhaawac ku seegayaan kulamadaas haddana Kane ayaa aaminsan in ciyaartooyda qaar tababarayaashooda kooxda ay reebeen.