“Waa Nala Dhacay, Ma jirin Wax Offside Ah” Hansi Flick Oo Cadho Ka Muujiyay Go’aankii VAR.

Taageerayaasha ayaa sheegaya in Barcelona ‘la dhacay’ ka dib markii gool ay dhaliyeen loo diiday kulankii ay guuldarrada 1-0 ka soo gaartay Real Sociedad.Dhacdada muranka dhalisay ayaa dhacday intii lagu jiray kulankii 1-0 Barcelona ay kala kulantay Real Sociedad.Robert Lewandowski ayaa mooday inuu Barcelona hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 13-aad, balse waxa la diiday goolka ka dib dib u eegis VAR ah.Sheraldo Becker ayaa markaas dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta 20 daqiiqo kadib si uu ugu sii kordhiyo murugada Barca.

VAR ayaa go’aamisay in qeybta dambe ee kabta midig ee Lewandowski ay inyar offside ugu jirtay, sidaas darteedna aan loo ogolaan karin goolka.Laakiin waxaa jirtay caro ka dhex dhalatay taageerayaasha Barcelona,ayagoo muujiyey in kabaha difaaca Sociedad Nayef Aguerd kabihiisa ay ka horreeyeen kuwa Lewandowski.

Kabaha Lewandowski ayaa u muuqday inay si aad u yar uga dambeeyeen Aguerd, laakiin xagasha la isticmaalay ee dib u eegista fiidiyowga ayaa keentay in kabtiisa aysan ka muuqan sawirka.Tababare Hansi Flick ayaa aad u carooday ciyaarta kadib, laakiin wuxuu sheegay in Barca ay aqbali doonto go’aanka VAR.“Ma jirin wax offside ah,” ayuu yiri. “Ma aheyn kabihiisa [Lewandowski]. Laakiin waa inaan aqbalnaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *