Sunday, December 10, 2023
More
    HomeCiyaaraha MaantaWaa Maxay Sababta Ay Man City U Doonayso In Ay Liverpool La...

    Waa Maxay Sababta Ay Man City U Doonayso In Ay Liverpool La Soo Saxiixato Leroy Sane.

    Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay Liverpool la soo saxiixato xiddiga Bayern Munich ee Leroy Sane ahna xiddigeedii hore sida ay sheegayaan wararku.

    Liverpool ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Sane kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

    Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ku biiray Bayern munich 2020 waxana uu dhaliyay 39 gool halka uu caawiye ka noqday 46 kulan 135 kulan oo uu ciyaaray.

    Sane ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya Bayern Munich xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 7 gool 11 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa waxana uu xiiso ka helayaa Liverpool.

    Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaar u tahay in ay baanka u jabiso Sane kulana soo saxiixato 80 milyan oo euro xagaaga dambe.

    Hadii ay taasi dhacdo Man City ayaa jeebka ku shuban doonta lacag fiican oo ay ka helayso iibka uu xiddigu ugu biirayo Liverpool.

    Man City ayaa heli doonta lacag dhan 10% marka ay Bayern Munich hesho lacagta ay Liverpool ka bixiso xiddiga.

    Sidaas darteed City ayaa doonaysa in uu Sane ku soo laabto premier Legaue kuna biiro Liverpool xagaaga dambe.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Must Read