Waa Doqomo Calooshood U Shaqeystayaal Ah” Mourinho Oo Ganaax Culus La Dul-dhigay Kadib Aflagaado Xun Oo Uu U Geystay Garsoorayaasha Turkiga.

“Waa Doqomo Calooshood U Shaqeystayaal Ah” Mourinho Oo Ganaax Culus La Dul-dhigay Kadib Aflagaado Xun Oo Uu U Geystay Garsoorayaasha Turkiga.“Waa Doqomo Calooshood U Shaqeystayaal Ah” Mourinho Oo Ganaax Culus La Dul-dhigay Kadib Aflagaado Xun Oo Uu U Geystay Garsoorayaasha Turkiga.

Jose Mourinho ayaa lagu ganaaxay hal kulan oo uu ka maqnaan doono ciyaaraha iyo ku dhawaad £15,000 oo ganaax ah ka dib markii uu ka falceliyay guushii Fenerbahce ee 3-2 oo ay ka gaareen Trabzonspor ee Super Lig.Tababaraha reer Portugal, oo ku kufay isku daygiisii dabaal-degga ahaa ee “knee slide” markii ay ciyaarta dhammaatay Axaddii, ayaa lagu soo oogay “dhaqan aan ciyaarwanaagsaneyn oo ku wajahan taageerayaasha kooxda ka soo horjeeda” iyo “hoos u dhigista qiimaha kubadda cagta Turkiga iyo … dhaawicidda madax bannaanida garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee ciyaarta” intii uu ku jiray wareysi uu kadib ciyaarta.Bayaan ay soo saartay Xiriirka Kubadda Cagta Turkiga ayaa lagu sheegay in Mourinho lagu ciqaabay “mamnuucid gelitaanka qolalka lebbiska ah iyo inuu fadhiisto kaydka” iyo hal kulan rasmi ah oo uusan kasoo qeyb gali doonin, isla markaana looga baahan yahay 58,500 liraha Turkiga ah – oo u dhiganta qiyaastii £1,300 – iyo ganaax kale oo gaaraya 600,000 lira Turkiga ah – oo ah £13,500 – oo loogu ciqaabay hadalladiisii “Aflagaadada ahaa,” .Tababarihii hore ee Chelsea, Real Madrid iyo Manchester United, oo arkay kooxda martida loo ahaa oo la siiyay labo rigoore, ayaa weeraray VAR isagoo yiri: “Waan ogaa waxaa la ii sheegay ka hor intaanan imaan. Ma aaminsaneyn. Waxay noqotay mid ka sii xun waxa la ii sheegay.

Intaa waxaa dheer ganaaxyada lagu soo rogay Mourinho, Madaxweyne ku-xigeenka Fenerbahce Acun Ilicali – oo ah milkiilaha kooxda Sky Bet Championship Hull – ayaa lagu ganaaxay 400,000 lira Turkiga ah (qiyaastii £9,000) oo loogu ciqaabay “hadallo khadaf ah.”Bayaan dheer oo lagu daabacay bogga internet-ka ee Fenerbahce, Ilicali ayaa ku tilmaamay garsoorka ciyaarta “fadeexaddii oo Qof Ah” isagoo sheegay in ciyaarta “si foolxun ku dhamaatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *