CiyaaroVirgil van Dijk oo daaha ka qaaday daafac ay dayacday Man United...

Virgil van Dijk oo daaha ka qaaday daafac ay dayacday Man United oo isaga ka wanaagsan

Daafaca Kooxda kubadda cagta Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa shaaca ka qaaday Magaca daafac dhexe oo isaga aad uga wanaagsan markii uu jiray da’diisa oo kale, balse ay dayacday Manchester United.

Waxa uu xusay in daafacaas ka wanaagsan ay Manchester United si fudud isaga dayacday fursad ay kula soo wareegi lahayd oo uu waqtigaan kaga ciyaari lahaa garoonka Old Trafford.

Waxaa Van Dijk lagu tilmaamaa mid ka mid ah daafacyadii ugu wanaagsanaa ee qarnigan 21-aad soo maray kubadda cagta, waxaana uu haatan xulkiisa qaranka Holland kala qeyb-galayaa ciyaaraha caalamiga ah ee UEFA Nations League, waxaana garabkiisa ka ciyaaraya daafaca uu ammaanta ka haysan waayey ee Jurrien Timber.

Jurrien Timber oo 21-sano jir ah ayuu Macallinka Manchester United ee Erik Ten Hag isku dayay inuu la soo wareego suuqii xagaaga, balse waxaa ku dhegtay kooxda Ajax oo uu ka tirsan yahay, waxaana xusid mudan in Red Devils aysan samaynin dadaalkii looga baahnaa si ay gacanta ugu dhigto daafacan dhexe.

Waxa uu boos joogto ah ka helay Timber xulka qaranka Netherlands, iyadoo Van Dijk uu tilmaamay daafacyada waqtigan soo kacaya ee ugu wanaagsan, isagoo ku dooday xitaa in markii uu isagu da’daasi oo kale ahaa uusan sidiisa oo kale u wanaagsanayn.

“Uma aanan dhoweyn anigu heerkiisa oo kale markii aan da’diisa jiray, ma garanayo wax kale oo aan ahayn inaan ammaano, waa xiddig aad u wanaagsan oo ah xirfadle dhab ah.” ayuu yiri Van Dijk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme