Xaaladda Kylian Mbappe ayaa yeelatay weji lama filaan ah kadib markii Didier Deschamps uu ka reebay liiska xulka France ee kulamada soo socda.Xiddiga Real Madrid ayaa laga reebay xulka France kulamadooda soo socda, taasoo keentay yaab iyo hadal heyn badan oo ku saabsan sababta uu uga maqnaan doono ciyaaraha muhiimka ah.
Khamiistii, tababaraha France Didier Deschamps ayaa ku dhawaaqay xiddigaha xulka u matali doona kulamada ay la ciyaarayaan Israel iyo Italy ee Nations League.Laakiin warka ugu weyn ayaa ahaa markii la ogaaday in kabtanka iyo xiddiga kooxda, Mbappe, laga saaray liiska 23-ka ciyaaryahan ee kulamadaas, taasoo dhalisay su’aalo badan oo la xiriira sababta ciyaaryahanka muhiimka ah looga tagay.
Hadda, xaaladda ayaa yeelatay weji lama filaan ah ka dib warbixin cusub oo laga helay suxufiga reer France, Romain Molina, taasoo soo jeedinaysa sababta dhabta ah ee Mbappe u maqanyahay iyo warar ku saabsan mustaqbalkiisa xulka France.Sida laga soo xigtay Molina, 25-jirkan ayaa go’aansaday inuusan mar dambe u ciyaarin xulka France sababo la xiriira xaaladda uu haatan ku jiro.Mbappe ayaa laga reebay laba liis oo xiriir ah oo uu soo saaray Deschamps, taasoo soo jeedineysa inuu khilaaf soo kala dhex galay xiddiga iyo tababaraha.
Molina ayaa carrabka ku adkeeyay in uu jiro khilaaf xoogan oo ka dhaxeeya Mbappe iyo tababare Deschamps.Xog hoose uu helay weriyahan ayaa sheegaysa in Mbappe wacad ku maray inuusan France U safan Doonin inta uu leylinayo Deschamps.