CiyaaroTen Hag Oo Sheegay Shaqsiga Hubka U Ah Ee Ka Caawinaya Qaabka...

Ten Hag Oo Sheegay Shaqsiga Hubka U Ah Ee Ka Caawinaya Qaabka Haaland Loo Celin Karo

Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa shaaca ka qaaday shaqsi si dadban uga caawinaya kooxdiisa inay hesho xogaha qaabka lagu celin karo mashiinka goolasha Manchester City ee Erling Haaland.

Haaland ayaa xilli ciyaareedkan ku bilawday qaabkii ugu cajiibsanaa isaga oo 10 kulan oo uu ilaa haatan tartamada oo dhan kasoo ciyaaray kusoo dhaliyay 14 gool.

Shaqsiga uu tababaraha Manchester garabka weydiistay kahor kulankan ayaa ah xiddigiisa Jadon Sancho oo ay 18 bilood Borussia Dortmund soo wada joogeen Haaland isla markaana si fiican isu garanayaan.

Ten Hag oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waa shaqadayada ka shaqaale ahaan inaanu si fiican u eegno qof Haaland oo kale ah. Haddii uu shaqsi ka qayb-qaadasho badan sameeyo waxaanu u baahanahay inaanu baadhitaan ku samayno isaga”.

Balse dabcan sidoo kale waxaad la hadlaysaa ciyaartoydaada marka uu midkood ciyaartoy idinka soo horjeeda wakhtigii hore lasoo ciyaaray, sida Sancho iyo Haaland, waad weydiinaysaa isaga”.

Ten Hag oo la weydiiyay haddii uu ka niyad-jabsan yahay in Haaland uusan dhinaca Man United usoo wareegin xagaagii ayaa sheegay inay haystaan ciyaartoy tayo fiican leh.

“Waxaanu haysanaa ciyaartoy leh tayada ay ku noqdaan kuwa ugu wanaagsan, halka qaarkoodna durba ay heerkaas joogaan”.

Waxaanu haysanaa ciyaartoy koob aduun kusoo guuleystay (Raphael Varane), iyo ciyaartoyda koobabka ugu waaweyn soo qaaday (Casemiro, Ronaldo) sidaas darteed waxaad odhan kartaa iyagu waa kuwa dunida ugu fiican”.

Ten Hag ayaa si fiican u xakameeyay Haaland oo aan wax gool ah ka helin xilli ciyaareedkii hore markii Dortmund iyo Ajax Champions League ku kulmeen si fiicana u garanaya ciyaartiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme