CiyaaroTen Hag: Guusha kooxda ayaa ka muhiimsan Ronaldo.. Hadhow ayaan wax ka...

Ten Hag: Guusha kooxda ayaa ka muhiimsan Ronaldo.. Hadhow ayaan wax ka qaban doonaa hab dhaqankiisa

Tababaraha Manchester United ayaa go’aansaday inuu wax yar qaato ka hor inta uusan la tacaalin cadhada Cristiano Ronaldo ee ku aadan inuusan ciyaarin kulankii Tottenham.

Tababaraha Manchester United Eric Ten Hag ayaa wacad ku maray inuu wax ka qaban doono carada Cristiano Ronaldo.

Ciyaartii dhex martay kooxaha Manchester United iyo Tottenham ee ka tirsanayd wareegga 12-aad ee horyaalka Ingiriiska, taasoo la qabtay fiidnimadii Arbacada ee 19-kii October, waxa ay la timid qayb cusub oo ka mid ah xiisadda u dhaxaysa Ronaldo iyo “Red Devils”.

maxaa dhacay?

Ronaldo ayaa ka tagay garoonka Old Trafford isagoo careysan daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta, maadaama uusan soo galin ciyaarta.

Ten Hag waxa uu go’aansaday in uu kursiga kaydka dhigo Ronaldo sidii caadada ahayd tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan, xilli uu Portuguese-ku isku diyaarinayay in uu galo daqiiqadihii ugu dambeeyay, tababaraha reer Holland ayaa go’aansaday in aanu galin” Gantaalka Madeira. ”

Ten Hag ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: “Maanta wax xiiso ah uma qabo wixii dhacay,waxa aan la tacaali doonaa barri,waxa aan doonayaa in diirada la saaro kooxda iyo qaab ciyaareedka fiican ee dhamaan xiddigaha ku soo bilawday iyo kuwa badalka ku soo galay,waxa ay tahay in lagu amaano kooxda”.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme