CiyaaroXavi Ayaa Ousmane Dembele barbardhigay xiddiga PSG ee Neymar

Xavi Ayaa Ousmane Dembele barbardhigay xiddiga PSG ee Neymar

Kooxda reer Catalan ayaa guul 5-1 ah ka gaartay Viktoria Plzen kulankoodii furitaanka ee Champions League, iyagoo hogaanka u qabtay Group-kooda, oo ay sidoo kale ka kooban yihiin Inter Milan iyo Bayern Munich

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi ayaa is barbar dhig ku sameeyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Ousmane Dembele iyo xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Neymar.

Xavi ayaa u sheegay Sport ciyaarta ka dib: Ma doonayo in aan amaan ugu qubeeyo, laakiin awooda uu leeyahay mid ka mid ah waa heerka Neymar oo kale ayuu yidhi,

Waa xiddig wanaagsan, waana inuu ka faa’ideysto sifooyinkan. Isagu wuu awoodaa inuu isbedel sameeyo, wuuna sameynayaa ayuu sii raaciyay.”

Dembele ayaa caawiye ka ahaa labo gool intii ay socotay ciyaarta,

dhanka kale xavi ayaa sidoo kale daaha ka qaaday inuu jecel yahay saxiixa cusub iyo geesiga seddexleyda dhaliyay ee Robert Lewandowski – kaasoo dhaliyay sideed gool shan kulan oo uu saftay tan iyo markii uu Barcelona kaga soo biiray Bayern Munich xagaagan.

Kooxda reer Spain ayaa rajeyneysa in Lewandowski uu sii wato qaab ciyaareedkiisa wacnaa marka ay la kulmaan kooxaha adag ee Bayern Munich iyo Inter Milan kulan ka tirsan Champions League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme