CiyaaroSupercomputers Ayaa Saadaaliyey Ciyaarta Arsenal & Liverpool – Kooxdee Ayuu Guusha Siiyay?

Supercomputers Ayaa Saadaaliyey Ciyaarta Arsenal & Liverpool – Kooxdee Ayuu Guusha Siiyay?

Saadaaliyaha kubadda cagta ee Supercomputers ayaa bixiyey saadaashiisa kulanka adag ee Arsenal iyo Liverpool ee Emirates Stadium ee Axadda, halkaas oo ay indhaha kubadda cagta oo dhan kusii jeedsan doonaan maadaama natiijada kasoo baxda ay saamayn weyn ku yeelan doonto horyaalka Premier Premier League.

Manchester City ayaa si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horaalka Premier League markii ay 4-0 ku garaacday Southampton, waxaanay laba dhibcood dhaaftay Arsenal oo dib ula wareegi karta hoggaanka haddii ay ka adkaato Liverpool.

Mikel Arteta oo ay kooxdiisu bandhig fiican ka samaynaysay garoomada xilli ciyaareedkan iyaga oo guuleystay toddoba ka mid ah siddeeddii ciyaarood ee ay dheeleen waxaase ka adkaatay Manchester United oo Old Trafford 3-1 ku garaacday.

Liverpool ayaa iyaduna xilli ciyaareedkii ugu xumaa muddo dhawr sannadood ah ku jirta, waxaanay kaliya  guuleysatay laba jeer toddoba ciyaarood oo ay dheeshay, waxayna ku jiraan kaalinta 10aad ee miiska kala-sarraynta, haddiise ay ka guuleystaan Arsenal waxay awoodi doonaan in ay sare usoo kacaan halka guul-darro soo gaadhaana ay quus ka dhigi doonto rajadii ay ka qabeen in ay horyaalka ku guuleystaan xilli ciyaareedkan iyo in ay ku tartami karaan intaba.

Supercomputers oo saadaal ka sameeyey ciyaartan ayaa waxa uu sheegay, in 43% ay Liverpool haysato fursadda guusha ee ciyaartan oo ay saddexda dhibcood qaadan doonto, halka Arsenal ay fursaddeedu tahay 34%, taas oo ka dhigan in ay Liverpool guuleysanayso.

Fursadda barbarraha ee ciyaartan ayuu Supercomputers ku sheegay 23%, waana mid aad u yar marka loo eego fursadaha ay labada kooxood ku kala guuleysan karayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme