CiyaaroSheeko Cusub: Jurgen Klopp Oo Kashifay Sababtii Ay Man City Gabriel Jesus...

Sheeko Cusub: Jurgen Klopp Oo Kashifay Sababtii Ay Man City Gabriel Jesus Uga Iibisay Arsenal.

Jurgen Klopp ayaa ka dhawaajiyay in Arsenal ay awooday kaliya inay la soo wareegto Gabriel Jesus sababtoo ah Man City ayaan Arsenal u arkin koox kula tartami karta horyaalka premier League.

Xiddiga reer Brazil ayaa xagaagii isaga tagay Man City kadib 4 sano iyo badh uu joogay oo uu kula guulaystay koobab badan waxana uu ku biiray kooxda Arsenal.

Jesus ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ilaa haatan xill ciyaareedkan isaga oo Gunners ka caawiyay in ay hogaamiso horyaalka premier League.

Xiddiga Jesus ayaa lala xidhiidhinayay kooxo ay ka mid yihiin Chelsea iyo Tottenham laakiin Man City ayaa ogolaatay in ay ka iibiso Arsenal.

Klopp ayaa sheegay in sababta ay Man City Kaliya Arsenal uga iibisay Jesus in ay tahay in ay Man City u aragto Arsenal koox aan halis ku ahayn in ay kula tartanto premier League.

Waxa aan ogahay in ayna Man City Gabriel Jesus ka iibinayn koox kasta laakiin Arsenal ayay ka iibisay sababta oo ah Arsena aad ayay uga horaysaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme