CiyaaroShaxda Isku-dhafka Ah Ee Man United vs Arsenal & Kooxda Ugu Badan...

Shaxda Isku-dhafka Ah Ee Man United vs Arsenal & Kooxda Ugu Badan Xiddigaha Ku leh,

Kooxda horyaalka Premier League hoggaaminaysa ee Arsenal ayaa booqnaysa Manchester United oo uu gadh-wadeen u yahay Erik ten Hag oo ay galabta albaabada iskugu xidhanayaan Old Trafford, waxaanay Gunners doonaysaa in guushii lixaad ay kasoo hoyso lix kulan oo ay ciyaartay.

Laakiin Red Devils oo iyaduna saddex guulood oo isku xiga soo hoysay ayaa doonaysa in ay sii wadato bandhigga wanaagsan iyo natiijooyinka fiican, kaddib laba guul-darro oo ay labadii ciyaarood ee ugu horreeyey xilli ciyaareedka la kulantay.

Labadan kooxood ee ka mid ah kuwa ugu waaweyn England ayaa hoos u dhac ku yimid sannadihii ugu dambeeyey, waxaana ugu darnayd United oo muddo shan sannadood ah aan wax koob ah qaadin, halka Arsenal laba sannadood laga joogo koobkeedii ugu dambeeyey.

Hoos u dhaca ku yimid United waxa uu keenay soo bixitaanka Manchester City oo ahaa naadiga sannadihii ugu dambeeyey ugu awoodda badnaa, iyada ayaana  ka talinaysay magaalada Manchester, halka Arsenal ay fursad siisay Chelsea oo ah kooxda ugu tunka  weyn magaalada London.

Sidaas oo ay tahay, dareenkii wanaagsanaa ayaa usbuucyadii u dambeeyey kusoo laabtay Emirates Stadium, waxaanay dabbaal-deggii ugu dambeeyey sameeyeen markii ay Aston Villa 2-1 ku garaaceen, hoggaankana kusii negaadeen.

Manchester United ayaa iyaduna waxay ciyaar niyaddeeda dhistay ku garaacday Leicester City, waxaase ka horreeyey oo ay Old Trafford dhex jiid-jiidday Liverpool oo ay soo saartay gol-daloolooyin ku qasbay Jurgen Klopp inuu suuqa galo maalintii ugu dambaysay oo uu ciyaartoy cusub la saxeexdo.

Kooxda ka dhisan Woqooyiga London ee Arsenal waxa sirta guulaheeda noqday Gabriel Jesus oo ay £45 milyan oo Gini kagala soo wareegeen Manchester City, waxaanu dhaliyey saddex gool iyo saddex uu caawiyey shantii kulan ee Premier League ee uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaanay taasi keentay inuu ka mid noqdo xiddigaha shaxda isku-dhafka ah ee labada kooxood ee lasoo xulay ka hor ciyaarta maanta.

Kabtanka cusub ee Arsenal ee Martin Odegaard ayaa isaguna booska No.10 aan laga cidhiidhsan karin waxaanu booskaas u diiday Bruno Fernandes oo uu shaxda isku-dhafka ah ka saaray, maadaama uu saddex gool dhaliyey shan ciyaarood oo uu saftay.

Manchester United waxa shaxda isku-dhafka ah ugu jira Jadon Sancho oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxdaas xilli ciyaareedkan bilowga ah, waxaanay afka hore wadaagayaan Bukayo Saka iyadoo uu u dhaxaynayo Martin Odegaard oo uu kasii horreeyo Gabriel Jesus.

Granit Xhaka iyo Thomas Partey lama tartami karaan Casemiro iyo Christian Eriksen marka loo eego khibradda, kartida iyo tayada intaba, waxaanay labadan khad dhexe ee Manchester United ay xagaagan la saxeexatay ay kusoo baxeen shaxda isku-dhafka ee laga sameeyey ciyaartoyda labada kooxood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme