CiyaaroShanta Kooxod Ee Premier League Lacagaha Ugu Badan Ku qarash Gareeyey Suuqa...

Shanta Kooxod Ee Premier League Lacagaha Ugu Badan Ku qarash Gareeyey Suuqa Kala iibsiga Oo La Soo Saaray.

kooxaha Premier League ayaa jabiyay record ka suuqa kala iibsiga iyagoo qarash gareeyay 1 bilyan oo ginni ah markii ugu horeysay tani iyo 2017.

hadaba waxan ka hadleenaa  shanta kooxood ee qarashaadka ugu badan suuqa kala iibsiga ku bixiyay qaasatan horyaalka Premier League

Manchester City

Kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa ku jirta kaalinta 1-aad ee horyaalka ka dib markii ay qarash gareeyeen lacag dhan 917 milyan ginni oo ay ku soo iibsadeen ciyaartoydooda haatan.

Saxiixyada xagaaga ee caanka ah waxaa ka mid ah mashiinka gool dhaliyaha ee Erling Haaland (£ 51m), xiddiga heerka caalami ee dalka England Kalvin Phillips (£ 45m), daafaca bidix Sergio Gomez (£ 11m) iyo qeybta dhexe Manuel Akanji (£ 15m).

Manchester United

Manchester United ayaa ku soo jirta kaalinta labaad iyadoo ay 863 milyan ginni kula soo wareegtay Antony (£85.5m), Casemiro (£70m), Lisandro Martinez (£55m) iyo Tyrell Malacia (£13m).

Chelsea

Kaalinta seddexaad waa Chelsea, (£759m) kuwaas oo xagaagii qarash gareeyay

Waxa ay keeneen ciyaaryahano ay ka mid yihiin Wesley Fofana (£70m), Marc Cucurella (£62m) Raheem Sterling (£50m), Kalidou Koulibaly (£34m) iyo Pierre-Emerick Aubameyang (£10.3m).

Liverpool

Liverpool (£669m) ayeey qarash gareeyeen Darwin Nunez, Fabio Carvalho iyo Calvin Ramsay 

Arsenal

Arsenal (£460m) ayaa ku jirta kaalinta shanaad ka dib markii Gabriel Jesus, Oleksandr Zinchenko, Fabio Vieira, Matt Turner iyo Marquinhos ay ku biireen kooxda Emirates ka dhisan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme