CiyaaroScholes oo weeraray siyaasadda Man United, wuxuuna dhaleeceeyay qaab ciyaareedka Ten Hag

Scholes oo weeraray siyaasadda Man United, wuxuuna dhaleeceeyay qaab ciyaareedka Ten Hag

Halyeeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa weeraray siyaasadda kooxda ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda sanadihii ugu dambeeyay, taasoo muujinaysa la’aanta aragti cad oo ah waxyaabaha ay kooxda u baahan tahay.

Paul Scholes ayaa si gaar ah u dhaleeceeyay labada heshiis ee Raphael Varane, oo Real Madrid kaga soo iibsatay 40 million euros, iyo Jadon Sancho, oo Manchester United ay ku soo iibsatay 85 million euros.

Haddaba wargeyska AS ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga Manchester United ee Paul Scholes, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Jadon Sancho waxa uu ahaa ciyaaryahan da’ayar, Manchester United waxa ay galisay lacag badan, balse iskumuu muujinin horyaalka Premier League.”

“Maxay tahay sababta koox sida Real Madrid ah uga quusan karto Raphael Varane?, Haddii aad aragtay xilli ciyaareedkii hore, uma muuqan mid fiican, uma malaynayo in ay ahayd xilli ciyaareed fiican oo kooxda ah.”

Tababaraha cusub ee Erik ten Hag, ayaa sidoo kale dhaleeceyn kala kulmay Paul Scholes, wuxuuna tilmaamay in habka uu doonayo inuu kooxda ku maamulo ay tahay mid gabi ahaanba aan la jaan qaadi karin falsafada caanka ah ee Manchester United.

Halyeeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:

“Ten Hag? Waxa uu doonayaa inuu ciyaaro kubad haysashada ku dhisan, laakiin Manchester United ma ahan mid tayadaas leh, Kooxda waxa ay mar walba ku tiirsanaayeen weerar celis deg-deg ah, gool dhalin iyo abuurista fursado. Jamaahiirta ayaa ka walwalsan marka goolhayaha uu isku dayo inuu kubadda ku baaso 10-ka mitir ee ugu horeeya, taasi maaha falsafada Manchester United.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme