Saddex Su,aal oo Madaxa Taageerayaasha Arsenal Iyo Chelsea Ay Ku Reebtay Ciyaartii London DerbySaddex Su,aal oo Madaxa Taageerayaasha Arsenal Iyo Chelsea Ay Ku Reebtay Ciyaartii London Derby.
Chelsea ayaa garoonkeeda ku qaabishay Arsenal oo dhibane aheyd afartii ciyaar ee ugu dambeyay tartamada oo dhan.Kulanka London Derby oo xamaasad lahaa ayaa kusoo dhamaaday barbaro 1-1 ah, iyadoo Gunners hogaan uu siiyay Martanelli qeybtii labaad uusan ka caawin inay saddexda dhibcood helaan.
Chelsea oo dadaal dheeraad ah la timid kadib goolka laga dhaliyay, waxaa usuurta gashay inay goolka barbaraha ah dhaliyaan, waxaana kubad xoogan banaanka xerada ganaaxa ka xaday Pedro Neto.Waa goolkii ugu horeeyay laacibka garabka ka ciyaara ee Portugal u dhaliyo Chelsea Premier League tan iyo markii uu kusoo biiray xagaagii.
Waxyaabaha gaarka ah ee laga bartay ciyaarta labada dhinac saddexdaan arin ayaa ugu muhiimsan.
1 Ødegaard ma u joogi karaa Arsenal kulan kasta?Martin Ødegaard oo kulankiisii ugu horeeyay ee Premier League saftay tan iyo August wuxuuna caawiyay goolkii furitaanka ee Arsenal u dhaliyay Martinelli.Kubadsameeyaha Gunners ayaa isbedel badan ku sameeyay bandhigii Arsenal ay ku jirtay ciyaarihii ugu dambeeyay, waxaana uu markale muujiyay sida uu laf dhabar ugu yahay tababare Arteta.
2. Kai Havertz iyo naceybka ChelseaKai Havertz ayaa ku markale taageerayaasha Chelsea ee kusugnaa Stamford Bridge aamusiyay ka dib markii uu gool ka dhaliyay Chelsea, inkastoo VAR ayaa meesha ka saartay kadib markii uu ku daahay OffsideWaa dhacdo kale oo muujineysa xiddigaan naceybka uu u qaaday kooxdii uu lugtiisa ugu soo qaaday Champions League sadax sano ka hor.
3.Pedro Neto waqti ma loo heli karaa?Laacibka garabka ka xarooda ee orodka badan ayaa halista ugu badan oo ay wajaheen Arsenal caawa ahaa, wuu ka dhaliyay wuuna ku dhawaaday inuu markale ka dhaliyo intii ciyaartu soctay.Tababaraha Chelsea waa inuu siiyaa waqti ku filan ciyaartooyda Neto oo dabooyin fiican ka tuura banaanka xerada ganaaxa.