CiyaaroRun maaha' - Guardiola ayaa ka jawaabay wararka xanta ah ee la...

Run maaha’ – Guardiola ayaa ka jawaabay wararka xanta ah ee la Xiriira in Haaland Real madrid Aadi Doona marka uu qandaraaskiisa dhamaado

Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Erling Haaland aadi doono kooxda Real madrid marka uu qandaraaskiisa dhamaado

wargeesyada Spain ka soo baxa ayaa sheegay in qodob ka mid ah heshiiska 22 jirka uu siin karo Real Madrid s fursad ay kula soo saxiixan karaan xiddiga isla sanadka 2024

si kastaba ha ahaatee Guardiola ayaa sheegay in aanay waxba ka run ahayn warbixintaan.

wuxuna yidhi” Run maaha, kaliya waa war sal iyo raadba aan laheyn Xanta, dadka hadlaya, ma xakameyn karno.

“Waxa muhiimka ah ayaa ah inuu si fiican ula qabsaday kooxda haatan, waxaan haysanaa dareenka uu halkan ku faraxsan yahay. Waxaan isku dayi doonaa isaga iyo dhammaan kuwa doonaya inay sii joogaan si aan uga farxino.

“Mustaqbalka, qofna ma garanayo, waxa dhici doona laakiin wuu faraxsan yahay haatan, si fiican ayuu ula qabsaday halkaan, sidoo kale si cajiib ah ayaa loo jecel yahay, tani waa waxa ugu muhiimsan ayuu yidhi pep.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme