Halyeeyga Manchester United Roy Keane ayaa sheegay in Erik ten uu qirto khaladkiisa isla markaas masuuliyada kabtanimo ka qaado xiddiga Bruno Fernandes.
Fernandes ayaa la siiyay calaamada kabtanimo ee kooxda xagaagii isaga oo badalay Harry Maguire.
Waxa ay timid ka dib markii Fernandes uu si joogta ah u ahaa kabtanka kooxda xilli ciyaareedkii hore markaasoo Maguire uusan joogto ugu ciyaari jirin kooxda.
Xiddiga Fernandes ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan tan ilaa markii loo magacaabay Kabtanka cusub ee kooxda Man United.
Keane ayaa doonaya in uu Ten Hag masuuliyada kabtanimada ka qaado Fernandes kadib markii uu qaab ciyaareed liita soo bandhigay ilaa haatan.
“Waxa ugu horreeya ee aan samayn lahaa waa beddelka kabtanka,” ayuu yidhi Keane.
“Bruno Fernandes ma aha kabtan Mar walba wuu barooranayaa”.
“Waxa uu gabi ahaanba ka soo horjeedaa waxa uu kabtanku yahay”ayuu sii raaciyay.