CiyaaroROY KEANE Oo Sheegay in Cristiano Ronaldo ixtiraam darro Lagu la Dhaqmay.

ROY KEANE Oo Sheegay in Cristiano Ronaldo ixtiraam darro Lagu la Dhaqmay.

Kabtankii hore ee Manchester United Roy Keane ayaa sheegay in kooxda ay ula dhaqanto Cristiano Ronaldo “ixtiraam darro” ka dib guuldaradii Manchester Derby ee Axadii.

Red Devils ayaa 6-3 xasuuq ah kala kulantay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City ka dib markii ay saddexley u kala dhaliyeen Erling Haaland iyo Phil Foden.

Ronaldo ayaa kursiga keydka kasoo muuqday kulankii shalay ee manchester derby isagoo mudooyin kaanba kursiga keyd saaxiib la noqday xiddiga, iyadoo macalinka United ee Erik ten Hag uu sheegay ciyaarta ka dib inuusan dooneyn inuu marnaba safo Ronaldo

Si kastaba ha ahaatee, Keane ayaa aaminsan in Red Devils ay u muujisay Ronaldo ixtiraam darro ayna ahayd inay u ogolaato inuu baxo xagaaga markaasoo 37 jirkaan uu muujiyay rabitaan ah inuu u ciyaaro koox ku lug leh Champions League.

Keane ayaa u sheegay Sky Sports : “Waxaan qabaa in United ay ixtiraam darro u muujineyso Ronaldo, waxay ahayd in la fasaxo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

“Tababaraha waa uu ku dhegay, haa, waxa uu sheegay in uu doonayo dookhyo, laakiin kuma xajin doontid Ronaldo in uu kuu fadhiisto kursiga keydka, waa mid ka mid ah ciyaaryahanadii abid ugu fiicnaa ayuu sii raaciyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme