CiyaaroRonaldo walaashii Katia Aveiro ayaa dhaleeceyn dusha uga tuurtay jamaahiirta xulka Portugal,...

Ronaldo walaashii Katia Aveiro ayaa dhaleeceyn dusha uga tuurtay jamaahiirta xulka Portugal, kadib markii walaalkeyd ku oriyeen ciyaartii Spain,,

Cristiano Ronaldo walaashii ayaa ku eedaysay taageereyaasha reer Portugal in ay ‘candhuuf ku tufayaan bilaydka ay cuntada ku cuneen’, kaddib markii ay jamaahiirtu dhalleecayn u jeediyeen laacibkan kulankii xulka qarankiisu guul-darrada kala kulmay Spain ee Salaasadii ka dhacay magaalada Braga

Katia Alveiro ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada, waxay isku dayday inay ku difaacdo walaalkeeda Cristiano Ronaldo oo bandhig liita muujiyey ciyaartii Spain. Taageereyaasha garoonka fadhiyey iyo kuwo baraha bulshada isticmaalayay ayaa Ronaldo canaan badan u jeediyey, waxaanay ka dalbadeen tababare Fernando Santos in uu kursiga kaydka u dhaadhiciyo 37 jirkan.

Cristiano Ronaldo oo kaydka uga dhacay Manchester United ayaa sidoo kale xulkiisa ku dhibaatoonaya, iyadoo Koobka Adduunka ay ka hadhsan yihiin wax ka yar lix usbuuc.

Qoraalka ay Katia Alveiro ku daabacay barteeda Instagram ayay ku tidhi: “Walaalkay waxa uu leeyahay qoys jecel oo garabkiisa taagan. Mar walba way dhinaciisa ayay taagnaanayaan wax kasta oo dhacaba. Laakiin waqtigan hadda lagu jiro aniga layaab iguma aha. Reer Portugal waxay candhuuf ku tufaan bilaydka ay cuntada ku cunaan, mar walbana sidaas ayay ahaayeen. Taasi waa sababta marka uu qof kasoo dhex-baxo dambaska ee uu isku beddelo, ay iyaga u dhibto… Mar walba boqorkaygiiyoow anaga ayaa kula jirna. Is deji.”

Katia Aveiro intaas oo kaliya kuma aanay koobnaan, waxaanay sii raacisay: “Waxa lgama maarmaan ah in garab la siiyo kuwa wax walba u hura Portugal, laakiin kuwa xanuunsanaya, edebta daran ee aan mahad-naqain, waa in laga soo horjeedsado. Wiilkan [Cristiiano Ronaldo] jilbaha ayuu u dhacay… ma jiro qof garab siinaya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme