Rodrigo, oo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or 2024, ayaa sheegay inuu joogo kooxda ugu fiican dunida.
28-jirka ayaa ku dhawaaqay inuu yahay ciyaaryahanka ugu sarreeya ee ku guuleysta abaalmarinta shakhsiga ugu qiimaha badan kubadda cagta, iyadoo xafladda lagu qabtay Theatre du Chatelet ee magaalada Paris fiidnimadii Isniinta, taas oo ka dhigeysa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee City ah ee ku guuleysta abaalmarintan.
Waa sharaf uu si weyn u muteystay ninka ku caan baxay inuu matalo kooxda cajiibka ah ee Pep Guardiola. Rodrigo ayaa ku guuleystay 11 koob tan iyo markii uu ku soo biiray Etihad 2019-kii.Haatan oo uu dhaawac jilibka ah ku maqanyahay, Xiddiga reer Spain ayaa ahaa mid dareenkiisu muuqdo markii magaciisa lagu dhawaaqay, waxaana magaca ku dhawaaqay xiddigii hore ee Ballon d’Or – iyo weeraryahankii City – George Weah.
“Manchester City, aad ayaad u mahadsantihiin, waxaad tihiin kuwo khaas ah, waan ogahay inaanan gaari lahayn tan la’aantiin. Aniga ahaan, tani waa kooxda ugu fiican dunida. Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo xulka qarankayga iyo tababare Luis kalsoonida uu ii muujiyay.”