CiyaaroRodri ayaa Kooxda Tottenham u arka in ay Man City kula xafiiltami...

Rodri ayaa Kooxda Tottenham u arka in ay Man City kula xafiiltami Karaan horyaalka

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Rodrigo Hernandez ayaa doortay kooxda uu u arko mida kula tartami karta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kaddib hoos u dhac ku yimid kooxdii tartanka adagi kala dhaxeeyay ee Liverpool.

City ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay qaab wanaagsan iyaga oo shan guulood iyo laba barbardhac kasoo helay toddobadii kulan ee ugu dambeeyay halka Liverpool kaliya sagaal dhibcood kasoo heshay lix kulan oo ay ka ciyaartay Premier League.

Rodri ayaa sheegay inuu wax yar la yaabay hoos u dhaca Liverpool balse uu ku sababeeyay inuu horyaalku sidaas yahay oo aan lagu sugayn inaad in yar gaabiso.

Kaliya kala badh (Ayaan la yaabay hoos u dhaca Liverpool), heerka Premier League waa mid aad u sarreeya kaas oo isla marka aad gaabiso aad dhibco luminayso. Liverpool xaalad qas ah kuma jirto ee waa kuwo intii hore ka soosaar yar Premier League-na kuuma ogolaanayo inaad nasato” ayuu La Gazzetta dello Sport u sheegay Rodri.

Dhinaca kale Rodri ayaa kooxda tababare Antonio Conte ee Tottenham ku sheegay mida uu u arko inay horyaalka u tartamayso xilli Spurs dhinacooda iyaguna wali guuldarro la’aan yihiin xilli ciyaareedka kulamada Premier League.

“Waxay isku keeneen saf wanaagsan waxayna haystaan tababare leh aragtiyo aad u cad cad oo garanaya sida si fiican looga shaqaysiiyo”.

“Way garanayaan waxay tahay inay qabtaan waxayna ku qabtaan saxsanaan weyn. Waxaan Spurs u arkaa murashaxiin horyaalka ah, waayaha ciyaareed ee Conte waa mid iskii u hadlaya”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme